Cimran Khan: Sannad uu wajahay xaqiiqooyiinka dhabta ah ee Pakistan

Muddo sannado ah, dad badan waxay shaki ka qabeen in uu Cimran Khan noqon karo ra'iisul wasaare

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Muddo sannado ah, dad badan waxay shaki ka qabeen in uu Cimran Khan noqon karo ra'iisul wasaare

Cimran Khan, laacibkii Cricket-ka ee noqday siyaasiga, wuxuu sannadkii ugu horreeyay ee xafiiska la kulmay caqabado aad u badan.

Waa xil ay dad badan ku fakarayeen in uusan weligii ku guuleysan karin: Ka dib muddo 20 sano oo uu loolanka siyasadda ku jiray, wuxuu guul ka gaaray doorashadii 2018-kii. Waa qeyb weyn oo ka mid ah shaqada siyaasadda.

Wuu adkeystay in kastoo ay sida roobka ugu da'ayaan eedo la xiriira in militariga awoodda leh ee Pakistan, oo si toos iyo si dadbanba u mamulay dalkaas tan iyo xurriyaddii, ay si hoose uga shaqeeyaan faa'iidadada xisbigiisa PTI.

Fikraddaas iyo caqabadaha kale ee badan ee Pakistan ay wajeheyso, waxaa la filayay in sannadka ugu horreeyay ay u noqoto mid fudud oo fiican.

Dadka dhalleeceeya Cimraan Khan waxay sheegayaan in dunida uu la hortago weji aad uga duwan midka uu ku adeegsado gudaha Pakistan.

haddaba muxuu sameeyay?

Haa waxaan nahay Khan?

Olole doorasho oo ku saleysnaa fikradda shacabka, iyo ereyada adag ee la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo ballan qaadka sameynta "Pakistan cusub", Khan wuxuu taageerayaashiisa u ballan qaaday "tabdeeli" (isbedel) taas oo ah farsamo u dhow middii Obama.

Caqabadda ugu weyn ee uu wajahayay waxay tahay in uu badbaadiyo dhaqaale ay haysato isu dheelitirnaan la'aan dhanka bixinta ah.

Seddeeddii bilood ee ugu horeysay, wuxuu booqday saaxiibada soojireenka ah ee Sucuudiga, Imaaraatka Carabta, Qatar iyo Shiinaha, wuxuuna ka soo helay $9 bilyan oo dollar oo deen ah, si dhaqaalaha Pakistan loo xoojiyo.

Laakiin dhibaatadu way dhammaan wayday: Koboca si gaabis ah ayuu ku socdaa, Rupee-ga dalkaas ayaa sabeynaya, sicir-bararkana wuxuu kor u kacay 10 boqolkiiba, waa markii ugu horeysay ee uu laba jibbaarmo tan iyo 2013-kii.

Iyadoo dhibaatada dhaqaale ay sii badaneyso, Cimraan Khan ma jirto tallaabo kale oo u furan ee aan ka ahayn in uu ka laabto waxyaabihii uu ballan qaaday taas oo ah in uu doorbidayo inuu dhinto halkii uu hay'adda lacagta adduunka ee IMF uu weydiisan deyn.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Bishii July, Heshiis $6 Bilyan oo dollar ahaa ayaa lala gaaray IMF, waa markii 13-naad oo dalka Pakistan uu lacag deyn ah ka qaatay IMF, tan iyo 1980-maadkii.

Uzair Younus, oo khabiir ku ah arrimaha Koonfurta Aasiya, kana tirsan urur fadhigiisu yahay Mareykanka ee Albright Stonebridge Group, wuxuu sheegay in eedeynta ugu weyn ee haysata dowladda PTI ee arrimaha koboca dhaqaalaha ay tahay in aysan lahayn shuruucda qorsheynta.

"Waxay la yimaadeen hami lagu hiigsanayo canshuur aruurin balse markii ay ku guuldareysteen in hiigsigaas ay gaaraan. Arrimhaas oo dhan ayaa hoos u wada dhacay," ayuu yiri.

Balse Fawad Chaudhry, Wasiirka Seyniska iyo teknolojiyadda, wuxuu BBC u sheegay in dowladda "ay shaqadeeda haysato".

"Waxaan leenahay koox si gaar ah uga shaqeysa dhaqaalaha, waana ognahay in doorashada soo socota ay ku xiran tahay dhaqaalaha dalka," ayuu yiri.

Wuxuu qiray in xaaladda dhaqaalaha ee shaqada dowladda ah, in wax yar oo isbedel ah uu u keenay dadka dabaqadda dhexe ah ee codka PTI uu ku tiirsan yahay.

Sida lagu xusay falanqeyn lagu daabacay BBC Urdu, dowladda Khan illaa iyo hadda waxay ku guuleysatay seddax ka mid ah 34 arrimood ee uu ballan qaaday.

Diblumaasiyadda

Khudbadiisii ugu horeysay ka dib markii uu guuleystay, Ra'iisul Khan wuxuu caleen u ruxay dalka ay muddada is hayeen wuxuuna ku dhawaaqay: "Haddii Hindiya ay hal tallaabo dhankeena u soo qaado, innagana laba tallaabo ayaan dhankooda u qaadeynaa."

Si uu arrintaas u xaqiijiyo, wuxuu durbadiiba amray harumarinta marinka Kartarpur, kaas oo matala wada shaqeynta dhifka ah ee ka dhexeeya Hindiya iyo Pakistan, wuxuuna suurageliyay in dadka Sikh ee Hindiya ay booqdaan goobaha ay barakeystaan ee dhanka Pakistan ku yaalla.

Ereyadaa nabadda u taagnaa ma aysan raaginba. Bishii February, Labadan deriska ah waxay qarka u fuuleen in uu dagaal dhexmaro ka dib markii Hindiya ay duqeyn ka bilowday dhanka Pakistan. Waxay sheegtay in duqeynta lagu bartilmaameedsaday xero ay leeyihiin mintidiin weerraro ka fuliyay dhanka Khasmiir.

Qaxootiga ku nool Kashmiirta ay Pakistan maamusho waxay sameeyeen dibadbaxyo ka dhan ah Hindiya.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Qaxootiga ku nool Kashmiirta ay Pakistan maamusho waxay sameeyeen dibadbaxyo ka dhan ah Hindiya.

Pakistan oo jawaab ka bixisay weerrarka Hindiya ayaa soo riday diyaarad dagaal, waxayna qabatay duuliyihii. Xiisadda ayaa sii xumaatay, balse 48 saacadood ka dib, Cimraan Khan wuxuu go'aansaday in uu siidaayo duuliyaha, taas oo baaq u ahayd nabad.

Wuxuu ka faa'iday amman, waxayna ahayd arrin diblumaasiyadeed oo u muuqatay in Ra'iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi uu kaga guuleystay.

Dhammaadkii sannadkan, arrin aad uga duwan wixii la filayay, Hoggaamiyaha Pakistan wuxuu magaalada Bishkek ee Kyrgyzstan kula kulmay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Ka dib waxaa la arkay isagoo Aqalka Cad ku sugan oo sawir la galay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo Khan ku tilmaamay "laacib weyn oo caan ah".

Muddadii uu Washington ku sugnaa, wuxuu la kulmay hoggaanka Congress-ka, wuxuuna wareysiyo siiyay warbaahinta Mareykanka oo uu u sheegay in dhammaan wax yaabaha wanaagsan ay marxalad fiican marayaan.

Donald Trump wuxuu Cimraan Khan ku tilmaamay "laacib caan ah"

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Donald Trump wuxuu Cimraan Khan ku tilmaamay "laacib caan ah"

Howlgalka Gudaha dalka

In kastoo u muuqdo qof horumar ka shaqeeya, iyo xitaa jaceylka looga hayo dibadda, Cimraan Khan waxay dadka Pakistan u arkaan qof siyaasad ahaan weji badan leh kale leh.

Hadallada uu ka jeediyo kullamada dad weynaha, wuxuu ku yahay qof hadal adag oo wax ka sheega dowladihii hore, wuxuuna ku eedeeyaa musuqmaasuq iyo in dalka ay qarka u saareen musiibo ba'an.

Tallaabooyiinkiisa waxaa ka mid ah in 13 hoggaamiyayaal mucaarad ah ay xabsi ugu jiraan musuqmaasuq. Waxaa ka mid ah Ra'iisul Wasaarihii hore Nawaz Sharif, gabadhiisa, Maryam Nawaz iyo madaxweynihii hore Asif Zardari.

Dibadbaxayaal ka soo horjeeday xarigga madaxweynihii hore Asif Cali Zardari

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dibadbaxayaal ka soo horjeeday xarigga madaxweynihii hore Asif Cali Zardari

Waxaa intaa dheer, sida ay sheegeen kooxaha arrimaha Pakistan u ololeeya, "waxaa jiray cadaadis qarsoon oo lagu hayo xurriyada hadalka iyo mucaaradka ka soo horjeeda Cimran Khan, tan iyo markii uu xilka qabtay.

Reema Omer, oo ah qareen ka tirsan urur caalami ah waxay sheegtay in tacaddiga hadda jira uu ka culus yahay waxa ay ka hadlayaan kuwa isaga dhalleeceeya.

"Qadadka halista ee ah waxa laga hadli karo iyo kuwa aan laga warrami karin, ayaa maalin kastaa is bedelaya, waana arrin sare u sii keceyso," ayey tiri.

Waxay intaa ku dartay: "heerka su'aal laga keeni karo arrimaha dowladda ee xaaladaha iska cad, ayaa si degdeg ah hoos ugu sii dhacaya".

Prof. Ahsan Butt, oo ka tirsan iskuulka culuumta iyo dowladnimada ee Schar School, ee jamacadda George Mason, wuxuu su'aal ka keenay in Mr Khan - nin muddo ka hor ahaa o qunyar socod ah - uu si buuxda uga dambeeyo howlgalladan.

"[Howlgalka] waxaa markii hore hoggaaminayay militariga iyo sirdoonka. Cimraan Khan ama si toos ah ayuu uga qeybqaadanayaan howlgalkaas, ama mid ka xun ayuu wadaa; Wuxuu hadda eegay dhanka kale ama isku deyayo in uu joojiyo," ayuu yiri.