Ruushka: Ma oggolaan doonno in Turkiga iyo ciidamada Asad ay foodda is daraan

Mas'uuliyiinta dalka Ruushka ayaa sheegay in aysan marnaba oggolaan doonin dagaal toos ah oo dhex mara ciidamada dowladda Suuriya iyo kuwa Turkiga, xilli hadda howlgalka Milatari ee Turkiga uu kasii socdo Waqooyiga Suuriya.
"Arrintan waa mid aan la aqbali karin... sidaas awgeedna ma oggolaan doonno, dabcan", sidaas waxaa yiri danjiraha khaaska ah ee Moscow u qaabilsan Suuriya, Alexander Lavrentyev.
Dadka wax dhaliila ayaa sheegay in go'aankii uu Mareykanka isbuucii lasoo dhaafay ugu dhawaaqay inuu ciidamadiisa ka saarayo Suuriya uu fursad siiyay Turkiga.
Ruushka ayaa taageero ballaaran siiya hoggaamiyaha Suuriya, Bashaar Al-Asad.
Mr Lavrentyev, oo ka mid ah wafdiga Ruushka ee booqashada ku jooga waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa weerarka uu Turkiga ku qaaday Waqooyiga Suuriya ku qeexay "tallaabo aan la aqbali karin".
Wuxuu intaas ku daray in saraakiisha Suuriya iyo kuwa Turkigaba ay kala hadlayeen sidii looga hortagi lahaa dagaal fool-ka-fool ah.
Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa sheegtay in ciidamadooda, oo Suuriya la geeyay sanadkii 2015-kii, ay hadda kala dhex dhigeen meesha ay iska gaari karaan labada ciidan ee Turkiga iyo Suuriya.
Sidey arrintu kusoo gaadhay halkan?
Howlgalka Turkiga, oo billowday isbuucii lasoo dhaafay, ayaa looga gol leeyahay in lagu durjiyo xoogagga ay hoggaamiyaan Kurdiyiinta Suuriya ee ku sugan deegaannada xadka u dhow.
Turkiga ayaa kooxda SDF u aqoonsan inay tahay urur argagixiso ah.
Mareykanka ayaa kooxdaas ku taageerayay dagaal ay kula jireen ururka la magac baxay dowladda Islaamiga.
Dowladda Turkiga ayaa dooneysa inay halkaas ka sameyso "aag nabdoon" oo la dajiyo dadka qaxootiga ah ee ka cararay colaadda ka socota Suuriya, gaar ahaan kuwa hadda ku sugan gudaha Turkiga.

Xigashada Sawirka, AFP
In badan oo ka mid ah dadka qaxootiga ah ayaan ahayn Kurdiyiin, dadka wax dhaliilana waxay sheegayaan inay tallaabadan noqon karto mid saameyneysa qoomiyadda gobolkaas kaligeed dagganeyd, haddii qaxootiga la geeyana laga tiro badan karo.
Tobannaan ruux oo rayid ah ayaa lagu dilay howlgalka ay billaabeen ciidamada Turkiga, halka in ka badan 160,000 oo ruux ay ka barakaceen aaggaas.
Labo cadaw isu ahaa oo u saaxiibay cadaw cusub

Xigashada Sawirka, AFP
Ciidamada Suuriya ayaa laga howl geliyey waqooyiga Turkiga si ay isaga caabbiyaan dagaalka Turkiga uu halkaasi ka wado iyaga oo heshiis la galay Kurdiyiinta si ay dagaalka isaga kaashadaan.
Warbaahinta afka xukumadda Dimishiq ku hadasha ayaa baahiyey iney dowladda ciidamada dalka Suuriya ka howl gelisay waqooyiga dalka uu Turkiga dagaalka ka wado.
Iyada oo Turkiga uu halkaasi ka wado dagaal xooggan uuna ku qabsaday laba magaalo oo muhiim ah oo xadka ku taallo.
Inta uu Turkiga dagaalkaasi billaabay ayaa la sheegayaa iney ku dhinteen tobannaan qof oo isugu jira shacab iyo dagaallamayaal labada dhinac ee dagaalamaya ka wada tirsan.
Axaddina saraakiil ka tirsan xoogagga Kurdiyiinta waxay sheegeen in xerada Ceun-Cisa ay ka baxsaden 800 oo qof oo ka mid ah qoysaski iyo qaraabada dagaallamayaasha ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ee IS.
Weerarka uu Turkiga qaaday iyo ka bixitaanka Mareykanka uu deegaannadaasi ciidamadiisa kala baxay ayaa caalamka Muran ka dhalisay, maadaamaa ay xoogagga SDF ahaayeen xulafada reer galbeedka oo kaalin mug leh ku lahaa dagaalka lagula jiray IS ee dalka Suuriya.










