Kenya: Lacagta cusub ee Kenya musuqmaasuqa mala dagaalami kartaa?

Xigashada Sawirka, AFP
Dowladda Kenya waxa ay sheegtay in tallaabadii suuqa looga saaray lacagtii xaanshida ee hore in ay ahayd mi lagu guuleystay.
Lacagtii hore ee kunka shillin ee Kenya ayaa suuqa laga saaray laga bilaabo bishii June ee sannadkan , waxaana qasab laga dhigay in lacag cusub lagu badelo 30-ka September isla sannadkan.
Qorshuhu wuxuu ahaa in lagula dagaalamo musuqmaasuqa iyo lacago la sheegay in si khaldan loo hele.
Dowladda hadda waxaa u xarootay oo gacanteeda ku laabatay 96% lacagtii kunka shilin ee hore, balse waxaanan weli la fahmin sida arrintan ay u tahay mid laga gaari karo ujeedkii laga lahaa.
Hase yeeshee ma muuqato saansaan ah in tallaabada ay dowladda lacagta ku xaraysay ay ku dhaawaqday dhaqaalaha dalka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Kenya Patrick Njoroge ayaa sheegay in hawsha si wanaagsan loo qabtay.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Kenya ay ka badbaadday qalalaasihii dhaqaale ee ka dhacay dalka Hindiya markii ay qaadday talaabo tan la mid ah.
Bangiga dhexe ee Hindiya ayaa sheegay in dadka ay soo celiyeen lacagtii 99% boqolkiiba, taas oo ka dhigan in dadkii haystay lacagaha sharci darada ah ee dowladda ku qasbay in lacagta la xareeyo ay heleen dariiqyo ay si sharci ah ugu badeshaan lacagtii xaaraanta lagu sheegay.
Kwame Owino oo ka tirsan mac-hadka Economic Affairs-Kenya ayaa BBC-da u sheegay in aysan jirin hal qof oo loo xiray arrimo musuqmaasuq, inkasta oo ay dowladda sheegtay in ay la dagaalamayso musuqa.
Bishii hore Bangiga Dhexe ayaa walaac ka muujiyay sare u kac la sheegay in uu ku yimid iibsiga khamadiga qeybo ka mid ah Kenya, taas oo loo malaynayo in ay ka dambeeyeen dad haystay lacago aan xalaal ahayn, kana dhuumanayay dowladda, sidaas awgeedna lacagtii galiyay badeeco.


Xigashada Sawirka, Getty Images
Cabsi kale oo laga qabay in sicir barar uu ka dhoco Kenya ayaanan dhicin, iyada oo waliba sicir bararka uu hoos u dhacay kala bar halkii uu joogay ka hor intaanan lacagta cusub lasoo saarin.
Lacagta cusub ee lasoo saaray ayaa ah mid ay adagtahay in la been abuuro.
Sidaas oo ay tahay, waxaa jira dad lagu qabtay lacagta cusub oo been abuur ah.










