Beeraley cagaf-cagafyo u adeegsaday dibadbax

Dareewallo cagaf-cagafta ee beeraleyda ah ayaa u soo baxay jidadka iyagoo dalbanaya in la aqoonsado. Waxay xireen jidadka waaweyn, sida uu sheegay ururka gaadiidleyda dalka Netherland ee ANWB.

Waxay cagaf-cagafta isku texeen illaa 1,136km, oo ah xilligii ugu mashquulka badnaa ee aroortii.

Beeraleyda waxay ka careysnaayeen hadal ahaa in qeyb ahaan ay masuul ka yihiin dhibaatada qiiqa hawada wasaqeeya.

Warbixin la soo saaray ayaa lagu sheegay in beeraha lo'da lagu xanaaneeyo ee aan waxtarka lahayn iyo in la xaddidido wax soo saarkooda, si wasaqda loo yareeyo.

Kooxaha beeraleyda waxay aaminsan yihiin in iyaga la bartilmaameedsanayo iyadoo shirkadaha diyaaradaha ay ka dhuumanayaan baaritaannada.

Awoodda dibadbaxayaasha

Cagaf-cagafyada waxay waddada xiriir aroor hore, qaar koox waxay garaacayeen iridada guryaha. Seddax qof ayaa la xiray, sida warbaahinta dowladda ee NOS ay sheegtay.

Kumannaan beeraley ah, oo badankooda ay wadeen cagaf-cagaf, ayaa ka qeybgalay isu soo baxa oo ka dhacay bartamaha magaalada Hague. Boolisku waxay sheegeen in 2,200 oo qof oo beeraley ah in ay ka qeybgaleen.

Maayarka Hague, Pauline Krikke waxay ka digtay "xaalad aan wanaagsaneyn" in ay dhacdo, balse dhibaato kale oo dheeraad ah lama soo werin. Sawirro kale ayaa muujiyay cagaf-cagafyo la dhigay xeebta Scheveningen, iyadoo dadkii lahaa ay qeyb ka noqdeen dibadbaxa.

Goobta isu soo baxa

Waxaa u daarnaa nalal jaale ah, waxay garaacayeen hoonka, "ciidamada doogga ah" way isu soo bexeen iyadoo farriintooda aysan ahayn laab lakac.

"Beeraleyda la'aantood cunto lama helayo", "waxaad jeceshahay rootiga, hilibka, baradhada, beeraleyda la'aantood waxaas oo dhan ma heleysid", ayey ku qorteen boorarkii ay siteen.

Qofkasta oo beeraley ah wuu dareemay jahwareerkaas. In si gaar ah ay dowladda u eegatay qeybtooda, iyadoo ka hadleysa isbedelka cimilada.

"Si degdeg ah ayuu qof kastaa u walbahaaray. Waxaa la billaabay in nala eedeeyo, mana jirto cid nagu mataleysa warbaahinta. Qof kasta inaguu nagu eedeynayaa isbedelka cimilada balse diyaaradaha ayaa ka xun beeraha, mana jiro qof ka hadlayo," ayey tiri Vicent oo 17 sano jir ah taas oo soo saarta caanaha lo'da.

Booliska waxay isku deyeen in aysan dhaafin meesha ay ku sugnaayeen, si aysan u gaarin goobaha xafiisyada.

Dadka ayaa sidoo kale cagaf-cagafyada u kexeystay meelo ka baxsan Hague, waxayna u kexeynayeen dhan kasta.

Waxaa sidoo kale laga baqay in xilliga galabkii ee dadku ay kala rawaxayaan in ay xireen jidadka oo magaalada ay ciriiri ka dhigaan.

Beeraleyda oo keli ah ma ahayn kuwa jidadka u soo baxay, balse waxay soo kaxeysteen carruurtooda oo ay dib uga soo celiyeen iskuullada. Waxay soo saareen cagaf-cagafyo yaryar oo kuwa caruurta ay ku ciyaaraan ah.