Finland: Boolis rasaas u adeegsaday arday seef ku weerary Iskuul

Xigashada Sawirka, AFP
Hal qof ayaa lagu dilay halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday Seef oo lagu qaaday iskuul loo dalxiis tago oo ku yaalla magaalada Kuopio ee dalka Finland, sida ay boolisku sheegeen.
Qof goob jooge ah ayaa warbaahinta maxalliga ah ee Finland u sheegay in arday Seef wata uu galay iskuulka oo lagu magacaabo Savo college, ka dibna uu billaabay inuu dadka la dhaco seefta.
Hase yeeshee booliska ayaa sheegay inuu qofka weerarka geystay ku hubeysnaa "bir af leh" iyo qori ay rasaas ku jirto.
Waxay saraakiisha ciidanka sheegeen in askarta booliska ee halkaas u gurmaday ay adeegsadeen rasaas markii ay soo xirayeen ninka weeraray iskuulka oo qeyb ka ah xarun ganacsi oo ku taalla koonfurta magaalada Kuopio.
Qof kale oo dhacdadaas goob joog u ahaa ayaa sheegay in booliska hubeysan ay si toos ah u wajaheen ninka falka geysanayay, oo halkaas tagay galinkii dhexe ee maanta oo Talaado ah, 1 Octpber, 2019.
"Gabar ayuu seef uga dhuftay qoorta, calooshana wuu uga duray", ayuu yiri qofka goob joogaha ah.
Ninka weerarka geystay, oo boolisku ay sheegeen inuu yahay muwaadin u dhashay isla dalkaas Finland, ayaa qudhiisa ka mid ah dadka ku dhaawacmay dhacdadan.
Labo ka mid ah dhaawacyada ayaa lagu soo warramay inay xaaladdooda aad u liidato.
"Hal qof oo dhintay meydkiisa ayaa laga helay Iskuulka ku yaalla xarunta Kuopio Herman", ayey dhaheen boolisku. Dhaawacyada ayaa loo qaaday isbitaalka Jaamacadda Kuopio, halkaasoo looga dhawaaqay inay ka jirto musiibo weyn.
Ardayda 'oo kuraas ku tuurayay' ninka weerarka geystay
Iskuulka la weeraray waxaa dhigta qiyaastii 600 oo arday, wuxuuna leeyahay 40 shaqaale, laakiin taliska boolisku ayaa sheegay in ilaa hadda aysan caddeyn tirada ku sugneyd goobta marka uu weerarku dhacayay.

Xigashada Sawirka, IL-TV
Haweeney ayaa u sheegtay warbaahinta Finland sida ay u caawisay macallimad uu dhaawac halis ah kasoo gaaray gacanta ka dib markii uu weeraray ardayda seefta watay.
"Markii aan caawinayay macallimadda, waxaan maqlayay dad kale oo u qeylo dhaaminaya in loo gurmado... arday badan ayaa cararayay", waxay sidaas u sheegtay Telefishin laga leeyahay Finland oo lagu magacaabo MTV.
Ninka falka fuliyay ayaa fasal gudaha u galay wuxuuna boorsadii uu watay kala soo baxay seef, macallimadda ayuuna ku billaabay, sida uu tabiyay website-ka wararka baahiya ee Iltahlehti.
Markii ay damacday inay ka cararto, ardaydii kale ayaa kuraas ku tuurayay ninka weerarka sameynayay, si ay uga cararaan, qaarkoodna way dhaawacmeen.

Si rasmi ah uma kala cadda in ninka weerarka geystay uu arday ka ahaa isla iskuulka, booliskuna wali ma aysan shaacinin sababta uu falkaas u geystay.
Ra'iisul Wasaaraha Finland Antti Rinne ayaa sheegay in qalalaasaha ka dhacay Iskuulka uu ahaa "mid argagax leh oo aan gabi ahaanba la aqbali karin", Halka haweeneyda ah wasiirka waxbarashada, oo lagu magacaabo Li Andersson, ay sheegtay in qof walba oo dhalinyaro ah uu xaq u leeyahay inuu si nabad ah wax u barto, isagoo aan ka cabsaneynin qalalaase.
Finland ayaa loo aqoonsan yahay inay tahay waddan aad u nabdoon, sanadkii 2017-kana waxaa ka dhacay isku darka 73 dil.
Laakiin shacabka waddankaas ayaa si weyn u heysta hubka. Sanadkii 2008-dii, nin hubeysan oo 22 jir ah ayaa toogasho ku dilay 10 ruux, ka dib markii uu weerar ku qaaday Iskuul ku yaalla magaalada Kauhajoki, ka hor inta uusan isagana toogasho isku dilin.










