Tuug caanaha ka xada iskuul oo booliska UK ay raadinayaa
Tuug si joogto ah u xadayay boqollaal kartoon oo caana ah oo loogu talagalay carruur dhigata iskuul ku yaalla magaalada Blackpool ayey raadinayaan booliska UK.
Shaqaalaha iskuulka waxay codsadeen in laga caawiyo ka hortagga tuugga "xun" ee xatooyada soo waday tan iyo bishii June.
Waxay sheegeen in ninka laga shakiyay uu wejiga soo xirto, uuna wato eey kaas oo ka booda xeendaabka iskuulka.
Booliska Lancashire waxay sheegeen in ay baaritaan ku hayaan arrinta.
Iskuulka wuxuu baahiyay muuqaal ay duubtay kaamerada amniga oo ninka uu ka muuqdo, kaas oo loo maleynayo in uu xaday illaa 1,000 kartoon oo caano ah, afartii bilood ee la soo dhaafay.

Xigashada Sawirka, Paul Burnell
Waxay Facebook ku qoreen: "nin dhallinyaro ah oo wejiga qarsaday ayaa iskuulka soo gala wuxuuna xadaa caanaha carruurtiina, aroor kasta".
"Joogto ayey noqotay dhowaanahan. Wuxuu boorsada ka buuxsadaa inta uu qaadi karo, wuxuuna u sii gudbaa dhanka xaafadaha.
"Fadlan naga caawiya sidaan uga hortagi lahayn. Waa arrin aad u xun."
Maamulka Iskuulka waxay sheegeen in inkastoo ay bedeleen meesha caanaha lagu keydiyo haddana in xatooyada ay sii socoto.
Qaar ka mid ah waalidiinta waxay isu xilqaameen ilaalinta, halka kuwa kalena ay la xiriireen iskuulka oo ay u gudbiyeen "qofka ay u badan tahay in uu ka dambeeyo".

Xigashada Sawirka, Kincraig Primary School
Madaxa macallimiinta oo lagu magacaabo Karen Appleby waxay ka mahadcelisay "caawinta iyo taageerada loo muujiyay".
Afhayeen u hadlay booliska wuxuu sheegay: "Arrintan waxaa nalagu soo wargelinayay tan iyo bishii June. Waxay u muuqataa in ninka uu markastaa qaato kartoonno ay caano ka buuxaan.
"Waxaan ku haynaa baaritaan, haddaba qof kasta oo macluumaad haya hanala soo xiriiro", ayuu yiri.











