Boolis howlgal ku raadinayay tuug oo ay ku dhacday arrin layaab leh

.
Qoraalka sawirka, Booliska Texas oo layaab kala kulmay howlgal

Markii ay boolisku heleen qeylo dhaan ku saabsan burcad hubeysan oo guri jabsaday, waxay maqleen shanqar xoog leh oo ka socotay gudaha, ka dibna waxay go'aan ku gaareen inay Albaabka jabiyaan.

Xilligaas ka hor, qof shacab ah oo aad u argagaxsan ayaa wacay ciidanka ammaanka ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka waxa uuna ku wargaliyay in gurigiisa uu tuug hubeysan u dhacay.

Askar ka tirsan booliska oo si buuxda u qalabeysan ayaa weerar ku qaaday gurigaas, iyagoo markaas damacsanaa inay gacanta kusoo dhigaan tuugga hubeysan ee lagu soo wargaliyay.

Laakiin arrintii ayaa isu baddashay mid layaab leh ka dib markii ay ciidankii heleen wax kale oo gabi ahaanba ka duwan tuug ama burcad.

.
Qoraalka sawirka, Booliska Texas ayaa howlgalkan fuliyay

Sidee buu u dhacay Howlgalka?

Dhowr askari oo ku qalabeysan hub casri ah, kaamirooyin iyo tooshash ayaa tagay guriga, si ay howlgalka u fuliyaan.

Isla markii ay daaradda tageen, waxay maqleen shanqar awood badan oo ka socotay gudaha.

Qofka guriga iska leh wuxuu isaguna isku qarinayay meel luuq ah, wuxuuna ka baqayay in waxyeello ay gaarto, maadaama uu filayay in tuug uu u soo dhacay.

Askarta ayaa u muuqday inay si deg deg ah u fulinayeen howlgalka ayna doonayeen inay ka hor tagaan khasaare halkaas ka dhaca.

"Qof ayaa ku jira gudaha", ayuu yidhi mid ka mid ah askarta.

"Guriga oo dhan waan isku hareereynay, usoo bax bannaanka", ayuu sii raaciyay, isagoo dabcan la hadlayay 'tuugga gudaha ku jiray'.

Laakiin cid jawaab siisay ma jirin, cid albaabka inay ka furto usoo dhaqaaqdayna ma jirin, marka laga reebo dhawaaqa codka shimbiraha ee uu soo qabanayay makarafoonka Kaamirada ay wateen.

Ka dib askartii waxay go'aansadeen inay sii ballaariyaan howlgalka, ayna u bareeraan inay si toos ah u wajahaan qofka la tuhunsanaa inuu halkaas ku jiray, kana madax adeygayay inuu is dhiibo.

Albaabkii dhalada ahaa ee guriga ayey durba jabiyeen, gudaha ayeyna usii galeen.

Mugdi ka jiray qolalka awgiis, waxay adeegsanayeen tooshahkooda, dhowr meelood ayeyna isku kala qeybiyeen.

Mid ka mid ah askarta oo qeylinaya ayaa yidhi: "Waxaan nahay boolis, i tus gacmahaaga".

Bale wali cidna uma jawaabin, askartiina gudaha ayey kusii ordeen, iyagoo aad mooddo inay wax eryanayaan.

Ma qiyaasi kartaa waxa ay arkeen?

.
Qoraalka sawirka, Tooshkii wuxuu qabtay deero sii ordeysa

"Waxaas waa deero! Waa deero! Waa deero!", ayuu ku cel celiyay mid kamid ah askartii oo cod sare ku dhawaaqaya.

Tooshkii ayaa qabtay deero ordeysa oo albaab dambe kasii baxeysa.

Halkaas waxaa kusoo afjarmay howlgalkii, wixii loosoo gurmaday ee tuugga loo maleynayayna wuxuu noqday xayawaan aan wax dhib ah geysanin oo guriga galay.

Balse arrintan ayaa layaab weyn ku noqotay askartii, waxaana qaarkood la maqlayay iyagoo xoog leh u neef tuuraya oo nafis weyn dareemaya.