You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Trump oo shaqada ka ceyriyay la taliyihiisii amniga
Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaqada ka ceyriyay la taliyihiisii arrimaha amaanka John Bolton.
"Waxa aan xalay u sheegay John Bolton in adeegiisa aan xilligan looga baahnayn aqalka cad ," ayuu soo qoray madaxwayne Trump.
"Waxaa aan si adag isugu khilaafnay waxyaabaha uu so jeediyay," ayuu intaa ku daray Mr Trump.
Madaxwaynaha Mareykanka ayaa sheegay in toddobaadka so socda uu magacaabi doonto la taliyihiisa cusub ee dhanka amaanka.
Xil ka qaadista Bolton ayaa ku soo beegmaysa xilli la hadal hayay kala qaybsanaan soo kala dhexgashay golaha wasiirada ee Trump.
Waxaa la sheegay in kala qaybsanaanta ay kala dhalatay ka dib markii uu madaxwayne Trump uu meesha ka saaray qorshihii nabadda ee Talaiban iyo Mareykanka.
Mr Bolton Tweetarka ku soo qoray: "waxaan is casilaadeyda u gudbiyay xalay madaxwayne Trump waxa uuna igu yiri , 'waxaan ka wadahadli doonaa barito.'"