Waalid loo xukumay in ay gabadhooda ka ilaaliyeen cunto dheelitiran

Gabadha ayaa la sheegay in laga ilaaliyay hilib

Xigashada Sawirka, NSW DISTRICT COURT/ABC

Qoraalka sawirka, Gabadha ayaa la sheegay in laga ilaaliyay hilib

Lamaane reer Australia ah oo gabadhooda siin jiray khudaar iyo waxyaabaha dhulka ka baxa oo kali ah ayay nafaqo darro ku dhacday, waalidkaas ayaa ka badbaaday in xabsi la dhigo.

Lamaanahan oo 30 jir ah oo aan magacooda la sheegi karin ayaa lagu xukumay 18 oo xabsi ah balse waxaa loogu badalay in ay bulshada u shaqeeyaan.

Gabadha ayaa hadda saddex sano jirta, balse markii ay 19 bilood maraysay waxay u ekaatay saddex bilood jir nafaqo darro awgeed.

Waxaa lagu quudin jiray waxyaabo qabandi laga sameeyay, baradho, bariis iyo waxyaabo kale.

Gabadha ayaa la arkay iyadoo aysan ilko u soo bixin ka dib markii goob xannaano la geeyay sannadkii hore.

Xaakim Sarah Huggett oo ka hawlgasha maxkamadda Downing Centre Court ee magaalada Sydney ayaa Khamiistii dhaliishay waalidka waxayna sheegtay in ay gabadha siinayeen "cunto aan gabi ahaanba isu dheelitirnayn".

"gabadhan si xun ayay nafaqo darro ugu dhacday, miisaankii loogu talagalayna aadbay uga yarayd, marka loo eego da'da ay jirto," ayay tiri xaakimku.

"Ma hadli karin, ismana quudin karin"

Gabadhan ayaa bishii Maarso ee sannadkii 2018 la geeyay meel xannaano ah ka dib markii ay gabadhu miyir daboolantay hooyadeedna ay ugu wacday gurmadka degdegga ah.

Markaas ayaa la arkay in gabadha yari ay hayso nafaqa darro aad u badan, gacmaha iyo lugaha gabadha ayaa qaboobaa, sonkorta dhiigeeda ku jirta ayaa hoosaysay, mana awoodin in ay u dhaqdhaqaaqdo si caadi ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Australian Associated Press.

Goobta carruurta lagu xannaaneeyo ee la wareegtay gabadha ka dib markii waalidkeed laga qaaday ayaa sheegtay gabadha yari "ay hoosayso carruurta kale".

"Ma fariisan karin, erayna kuma aysan hadli karin, isma quudin karin, waxyaabaha ay carruurtu ku ciyaaraan kuma ciyaari karin.. si buuxda isuma gadiyi karin ayaa lagu yiri war qoraal ah oo la soo saaray bishii May.