Waa maxay sababta shimbiraha ay u kordhiyeen weerarka ay bini'aadanka u geystaan?

Shimbir

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Shimbir

Khubarada arrimaha shimbiraha ku xeel dheer ayaa sheegay "iney kor u kaceen" shimbiraha weerarrada ay u geystaan dadka daawashada shimbiraha xiiseeya.

Mary Heiman oo eygeeda wadata ayaa dabayaaqada bisha July mareysay haro ku taallo meel ku dhow Denver, Corolado, waxaana soo weeraray shimbir aad u weyn.

Mr Heiman waxay sheegtay si kasta oo ay uga carartay shimbirta iney ka hari weyday ilaa ugu dambeynti ay madaxa nabad aad u xooggan kaga dhufatay, waxay ugu dambeyn shimbirta kaga badbaadday dhulka keyma ah oo ay ku carartay.

"Waa wax lala yaabo," ayey tiri.

Qoraalka Muuqaalka, Haweeney baayskiil wadata oo ay shimbir soo weerartay

Andrea Jones, agaasimaha daryeelka shimbiraha ee gobolka California wuxuu sheegay in weerarrada shimbiraha ka yimaaddo ay kor u sii kacday.

"Sababta ay weerarrada shimbiraha ay dadku u geystaan waxay tahay waxaan aad u ciriirinnay noolasha shimbiraha maadaamaa ay aad u sii badanayaan isdhex galka shimbiraha iyo dadka." ayey tiri.

Andrea Jones

Xigashada Sawirka, Andrea Jones/ Audubon

Qoraalka sawirka, Andrea Jones oo ku takhasustay cilmiga shimbiraha

Inta badan shimbiruhu waxay weerarrada noocaasi dadka u geystaan iyaga oo ilmahooda ama ukumahooda meesha uu qofku marayo ka agdhawa badbaadsanayo.

Shimbiraha waaweyn qaarkood ayaa weerarkooda iyo waxyeelladooduba ay adagtahay oo waxay xitaa weeraraan xayawaanna jir ahaan iyaga ka weyn.

Sawir laga qaaday shimbiro dad weerar ku hayo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sawir laga qaaday shimbiro dad weerar ku hayo

"Shimbiraha sida weyn looga cabanayo ayaa waxaa ka mid ah tukaha, dafada, gorgorka iwm."

Nin waraaqaha boostada guriyaha geeya ayaa sheegay in weerarro isdaba joog ah ay shimbiraha u geysteen xilli uu guriyaha boostada gaarsiinayey iney marar badan ay soo weerareen sidaana uu ku joojiyey waraaqihi uu guriyaha geynayey.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Presentational white space
Duko shimbir kale weerarayo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Shimbiraha ma aha oo keli ah dadka waxa ay weeraraan oo waxay sida oo kale weerarro u geystaan shimbiraha iyo xayawaanaadka kale

Isbeddelka cimiladana waxaa lagu sheegay iney qayb ku leedahay shimbiraha habki hore ee lagu yaqiinnay iney wax badan ka beddelaan, inkasta oo shimbiraha qaar marka ukumahoda ama ilmahooda laga taabto ay cid walba horayba u weerarri jireen.