Amiirkii 'xaragada badnaa' ee imaaratka oo si qaflad ah ku geeriyooday

Khalid Al Qasimi xilli uu ka qeybgalayay munaasabad lagu soo bandhigayay naqshadaha dharka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Khalid Al Qasimi xilli uu ka qeybgalayay munaasabad lagu soo bandhigayay naqshadaha dharka

Wiil u dhalay mid kamid ah amiirada maamulo magaalo weyn oo ka tirsan Imaaraatka Carabta ayaa ku geeriyooday magaalada London, sida ay shaaca ka qaadeen mas'uuiyiinta dalkaas.

Sheikh khaalid Bin Sultaan Al Qaasimi ayaa geeriyooday Isniintii, booliska London waxay sheegeen in aanan la ogeyn sababta uu u dhintay.

Sheikh khaalid Bin Sultaan Al Qaasimi oo ah 39 jir ahaa ayaa waxaa ay howshiisu aheyd naqshadeynta dharka, qaar kamid ah dharkii uu naqshadeeyay waxaa lagu soo bandhigay London toddobaadkan.

Meydkiisa ayaa maanta Salaatul Janaza lagu tukaday misaajid ku yaalla dalka Imaaraatka Carabta, waxaana dalkaas looga dhawaaqay saddex maalmood oo loogu baroor diiqayo geerida ku timid wiilka amiirka dalkaas.

Ka bood Instagram boggan
Oggolow Instagram macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka Instagram boggan

Presentational white space

Aabaha dhalay wiilkan Sheikh khaalid Bin Sultaan Al Qaasimi ayaa ka talinayay magaalada Sharjah tan iyo sannadkii 1972-dii, waxaa uu sheegay in wiilkiisa uu ku jiray gacanta Ilaahey.

Madaxweynaha Imaaraatka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ayaa tacsi u diray qoyska Sheikh Sultaan ee geerida ku timid.

Booliska waxay sheegeen inay maqleen geerida naxdinta leh ee ku timid Sheikh khaalid Bin Sultaan Al Qaasimi xilli uu ku sugnaa deegaanka Knightsbridge oo ka tirsan London.

Booliska waxay sheegeen in baaritaanno ay ku sameeyeen meydkiisa balse lagu dhuur sugayo natiijada soo bixi doonto.

Sheikh Sultan bin Mohammed Al Qasimi

Xigashada Sawirka, NurPhoto

Qoraalka sawirka, Sheikh Sultan bin Mohammed Al Qasimi

Qaasimi waxaa uu sheegay in Sheikh Khalid "lagu amaanay go'aannadiisa geesinimada lahaa, isagoo ka hadli jiray arrimaha siyaasadda iyo bulshada gaar ahaan dalalka Bariga Dhexe, mararka qaarkoodna xiriir wanaagsan ma uusan la laheyn Reer Galbeedka"

Sheikh khaalid waxaa uu cilmiga naqshadeynta dharka kasoo bartay Koleejka Central Saint Martins ee ku yaalla London, waxaa uu qeybtii ugu horreysay ee naqshadaha dharka soo saaray sannadkii 2008-dii.

Waxaa uu sidoo kale ahaa guddoomiyaha golaha qorsheynta iyo bilicda magaalada Sharjah, waxaa uu dusha kala socon jiray fullinta mashaaricda kaabayaasha dhaqaale ee Imaaraatka.

Dadka qaar waxay ku tilmaameen Khaalid inuu ahaa nin aqoon leh, deeqsi ah oo inta badan jeclaa inuu u doodo xuquuqul insaanka.

Dad badan oo isticmaala baraha bulshada ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Sheikh Khaalid.

Presentational white space

Safiirka Ingiriiska u fadhiyo Imaaraatka Carabta,Patrick Moody ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Sheikh Khalid.

Qoyska Al Qaasimy waxay kamid yihiin dadka maamulo dalka Imaaratka Carabta, waxay ay hoggaanka u hayaan maamulada magaalooyinka Sharjah iyo Al Khaimah.