Amiir Calawiid Bin Dhalaal ayaa saami ka iibsaday adeegga Snapchat

Xigashada Sawirka, Reuters
Ninka hodanka ah ee reer Sucuudi Carabiya Amiir Calawiid Binu Dhalaal ayaa shirkadda baraha bulshada ee Snapchat ka iibsaday saami dhan 2.3%, wuxuuna ka bixiyay $250 milyan oo doolar.
Maalgalintan cusub ayaa waxa ay timid xilli shirkadani ay la daalaa dhacayso dhisida kalsoonia dadka maalgashadayaasha ah.
Dadka isticmaala shirkadan ayaa hoos u dhacay boqolkiiba $2, kuwaas oo wadarta gaaraya 188 milyan oo qof.
Shirkadda ayaa loolan adag kala kulmaysa shirkadda Facebook.
Amiir Calawiid ayaa amaanay shirkadda Snapchat oo muuqaalada lagu duubo, laguna sheekeysto.
Horey ayuu maalgashi ugu sameeyay shirkadda Twitter-ka oo ka mid ah kuwa ugu caansan adduunka.






