Boqolaal qoys oo doonaya in ay korsadaan nuune Hindiya

Ilmo yar oo gabadh ah oo inta bac lagu ridey qashin-qubka lagu tuurey, kadibna la heley iyada oo nool si mucjiso ah, ayaa waxaa saf dheer ugu jira boqolaal qoys oo daafaha adduunka ku kala nool, kuwaas oo doonaya in ay ilmahaas korsadaan.

Gabadha oo laga heley dalka Maraykanka, ayaa loo bixiyay Hindiya, waxaana heley dad ku nool gobolka Georgia iyaga oo maqlay oohinteeda, kadibna booliiska ayay u yeereen.

Booliiska ayaa baahiyay muuqaal lagu duubay kaamirooyinka ay wataan, waxaana ka muuqda askari bacda ka fiiqaya ilmaha yarka ah.

Markii isbitaalka la geeyay, dhaqaatiirta waxa ay sheegeen in ay caafimaad qabto, islamarkaasna uu sii kordhayo miisaankeeda.

Muddo 3 todobaad ah kadib, ilmihii yaraa ee Hindiya xaaladeeda waa ay fiicantahay, waxana ay weli ku jirtaa gacanta xanaanada dowladda.

Sida uu sheegay madaxa xarunta daryeelka carruurta ee Georgia, Tom Rawlings, dad aad u badan ayaa soo dalbaday in lagu wareejiyo gabadha yar, si ay iyaga u korsadaan.

Warka gabadhan ku saabsan ayaa aad u faafay, waxayna dareen galisay dad aad u badan oo u damqaday.

Sidii ay ku badbaaday ayaa lagu sheegay arrin mucjiso leh, iyada oo xitaa neefta lagu cuburiyay maadaamaa bac lagu xirxirey oo aysan jirin meel ay neefta uga soo gasho.

Markii la badbaadinayay waxaa weli ka laadlaadday xudduntii, waxaana suurtogal ahayn in markaas uun la dhalay oo ay saacado jirtay, xilligaas oo ah marka ilmaha ay ugu baahi badanyihiin okijiinka.