Sawir laga qaaday isagoo maqaayad jiifa ayaa u horseeday ''nolol wanaagsan''

Simon Childs

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Sawir nin dhex jiifa maqaayadda caalamiga ah ee McDonald ee ku taalla deegaanka Fayette ee dalka Georgia, ayaa baraha bulshada aad ugu baahay. Sawirka ayaa waxaa lagu baahiyey barta facebook.

Si kastaba ha ahaatee ninkan ayaa waxaa uu ahaa hoy la'aan waxaana uu ku nasan jiray waqtiga u dhaxeya labada galin ee shaqada maqaayadda.

Markii uu sawirkiisa ku baahay barta Facebook ayaa bulshada ku dhaqan deegaankaasi waxa ay u istaageen inay caawiyaan.

Wariye Matt Johnson oo ku sugnaa deegaankaasi ayaa dabagal ku sameeyay ninkaasi oo lagu magacaabo Simon Childs kadibna wareysi la yeeshay, waxa uuna u sheegay in ay hooyadii goor dhaw geeriyootay taasina ay sabbatay in ay nolosha ku adkaato oo uu waqtiya adag soo maro.

Qoraalka Codka, Maqaayad miraha geedaha lagu gado oo Garowe ku taalla

21 jirkan ayaa sidoo kale sheegay in uu korinayo walaalkii ka yar uuna ku dadaalayo sidii uu u quudin lahaa.

"Waan ka xumaaday in aan sawirkayga ku arko barta Facebook," ayuu yiri Simon.

Xaaladda Mr Childs ayaa dhiira gelisay bulshada deegaankaasi kuwaasi oo si naxariis uga falceliyay xaladdisa cakiran oo waxa ay canugiisa ugu deeqeen dhar iyo xaafayado.

"Ma aanan filayn in bulshada halkaan ku dhaqan ay sidaan oo dhan ii caawinayaan balse way i caawiyaan," ayuu yiri

Laba ka mid shaqaalaha maqaayadaha cuntada ka kariya ayaa gaari deyn ku siiyay Mr Childs, halka timejare ku yaalla agagaarkaasi uu si bilaash ah timaha ugu jaray si uu isugu diyaariyo xaadiridda imtixaanka shaqooyinka.

.

Xigashada Sawirka, Twitter

Mr Childs ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in markii ay arrintaan dhacday loo soo badhigay shaqooyin dhawr. Waxaa uu sidoo kale sheegay in isaga iyo willkiisa ay guri heleen.