Ciidammada ammaanka ee Suudaan ‘ayaa qaaday howlgal’ ka hor dibadbaxyada la qorsheeyay

Xigashada Sawirka, AFP
Ururka ugu weyn mucaaradka waddanka Suudaan ayaa waxa uu sheegayaa in ciidammada ammaanka ay galeen xafiiskooda oo ay joojiyeen shir jaraa'id ka hor isu soo baxa ballaaran ee ay qorsheynayeen.
Ciidammada ammaanka ayaa waxa ay gaafwareegayeen qeyba ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Khartuum, ka hor dibadbaxyada la qorsheeyay in la qabto maanta oo Axad ah.
Xiriirka Xirfadlayaasha Suudaan ayaa waxa ay ku baaqeen in dibadbaxyaaal hal milyan gaaraya ay Axadda isu soo baxaan si milateriga loogu cadaadiyo inay xukunka dadka shacabka ah ku wareejiyaan.
Hasayeeshee ma ay jiraan warar sheegaya ilaa iyo haatan in ay magaalada Khartuum isugu soo baxeen dibadbayaal ballaaran.
Milateriga ayaa bishii Abriil waxa uu xilka ka tuuray Madaxweyne Cumar al-Bashiir kaddib kacdoon loogaga soo horjeeday maamulkiisa oo muddo socday.
Waxa uu xilka afgambi ku qabsaday 30-kii Juune 18989.
Xiriirka Xirfadlayaasha Suudaan ayaa waxa ay soo qabanqaabiyeen kulan ay warbaahinta kula hadleen fiidkii Sabtidii halkaas oo ay doonayeen inay ku soo bandhigaan qorshahooda ku aaddan isu soo baxa, taas oo noqon laheyd dibadbaxii ugu ballaarnaa tan iyo markii tobannaan qof ay milaterigu ku dileen 3-dii Juun, markaas oo ay kulansanaayeen dibadbaxayaal dimuqraadiyadda u mudaharaadayay.

Xigashada Sawirka, AFP
Hogaamiyaha dibadbaxyada Axmed al-Rabiic ayaa wakaaladda wararka ee AFP waxa uu u sheegay in ciidammada sida milateriga u tababaran ee gurmadka degdega ah fidiya ay u dhaceen oo ay joojiyeen shir jraa'id oo markaas socday.
Ka hor inta aynaan bilaabin shirka jaraa'id, saddex baabuur oo ay wataan ciidammada gurmadka degdega ah oo ay askar ka buuxaan ayaa waxa ay soo galeen dhismaha waxa ayna inoo sheegeen in aynaan shirka jaraa'id qaban," ayuu yiri.
Qofkasta oo dhismaha ku sugnaa waxaa lagu amray inuu halkaa isaga tago, Mr al-Rabiic ayaa sidaasi sheegay.
Waxa uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in howlgalku "uu xadgudub ku ahaa madaxbannaanida oo tani weliba waxa ay ka sii xun tahay hab dhaqankii maamulkii madaxweynihii hore".
Milateriga ayaa sheegay in mucaaradku uu qaadi doono mas'uuliyadda wixii qalalaase ah amaba ay dad ku dhintaan dibadbaxyada.
Janaraal Maxamed Xamdaan Dagalo oo sidoo kale loo yaqaan Xemeti, ayaa ka digay "qowlaysatada" iyo kuwa leh "ajandaha qarsoon" inay ka faa'iidaysan doonaan isu soo baxyada.
Waxaa la xiray dukaamadda ku yaal agagaarka goobta la filayay inay dibadbaxyadu ka dhacaan ee magaalada Khartuum, waxaa sidaasi ku warramaysa wakaaladda wararka ee AFP.
Wadahadallada u dhaxeeya Golaha Milateriga ee ku meelgaarka ah iyo mucaaradka ayaa burburay kaddib 3-dii Juun mana aanay bilaaban walow Midowga Afrika iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ay wadeen dhexdhexaadin.
Jimcihii Xiriirka Xirfadlayaasha Suudaan ayaa waxa uu sheegay in laba xubnood oo muhiim u ahaa mucaaradka la xiray waxa ayna codsadeen in "beesha caalamku ay dalbato in si degdeg ah lagu soo daayo".










