Shan arrimood oo ay dumarka kaga horreeyaan ragga kubadda cagta ciyaara

Xigashada Sawirka, Getty Images
Koobka Adduunka ee Dumarka ayaa sannadkan aad loo hadal hayaa oo waxaa isbedel ku yimid dhanka taageerada loo hayo cayaaraha dumarka waxaana sannadkan taageereyaasha ugu badan haysta waddamada Brazil, France iyo United Kingdom.
Si kastaba, weli waxaa jira dad badan oo daawada kulamada Koobka Adduunka ay ragga dheelaan: Fifa ayaa sheegtay in 1.12 bilyan oo qof ay daawatay ciyaartii kama dambeysta ahayd ee koobkii Adduunka ee sannadkii la soo dhaafay, halka 60 bilyan ay daawatay cayaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka ee Dumarka ee sannadkii 2015-kii.
Balse waxaa jira qaabab dhawr ah oo ay dumarka dheela Kubadda Cagta ay kaga horreeyaan ragga.
1. Qiimaha lacagta lagu daawado ciyaarta

Xigashada Sawirka, Carsten Koall/Getty Images
Koobkii Adduunka ee xagaagii hore ayaa waxaa qofka doonaya in uu daawada kulamadaasi qasab ku ahayd in uu jeebkiisa kuusan yahay oo ay ka buuxdo lacagta Ruushka ee roubles-ka sababtoo ah waxaa qaali ahaa lacagta lagu galayo garoonka.
Balse qiimaha lacagta lagu galayay garoomada ay ka socdeen cayaaraha ayaa aad uga jabnaa marka la bar-bardhigo kan ragga waxaana taasi ay sahashay in ay dad badan u soo daawasho tagaan garoonka ay cayaarta ka socoto.
Koobka Adduunka Dumarka ee sannadkan oo ka dhacaya dalka Faransiiska ayaa halkii kulan qiimaha ugu yar ee lagu daawanayay waxaa uu ahaa $10.

Xigashada Sawirka, Getty Images
2. Dhalinta goolasha
Haweeneyda Xulka Brazil afka hore uga dheesha ee Marta ayaa hogaaminaysa gool dhalinta Koobka Addunka ee ragga iyo dumarkaba, oo waxa ay 17 gool ku dhalisay 19 kulan ee ay cayaartay.
Ilaa haatan Koobka Adduunka ee Dumarka, waxaa kulan kasta la dhalinayay 2.69 gool halka Koobkii Adduunka ee sannadkii hore la dhalinayay 2.64 gool, sidaas darteed dumarka ayaa ku sareeyo dhanka gool dhalinta.
3. Ilaalinta shaciga inta ay ciyaarta socoto

Xigashada Sawirka, Getty Images
Khaladaadka la galo inta cayaarta ay socoto, dumarka ayaa aad u khalad yar marka la barbar dhigo ragga, oo waxaa dhanka sharci jabinta kubadda cagta ku badan ragga.
Koobkii Adduunka Dumarka ee 2015-kii, 115 oo kaarka jaalaha ah ayay garsooreyaasha bixiyeen halka Koobka Adduunka ee Ragga la bixiyay 219 oo kaarka casaanka ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
4. Tartanka Caalamiga ah

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images
Ilaa haatan 8 waddan ayaa Koobka Adduunka ee ragga ku guuleysatay, balse laba qaaradood oo kaliya ayay ka soo jeedaan 8-dda dalba.
Hasse yeeshee kan dumarka ayaa aad uga badan oo ilaa haatan waxaa koobkaasi ku guuleystay afar dal oo ka soo kala jeeda 3 qaaradood. Dalalkaasi waxaa ka mid ah United States, Germany, Norway iyo Japan.
5. Taageeridda dadka isku jinsiga ah ee isu galmoodo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa la ogaaday in xitaa hal cayaartooy oo ka mid ah dadka isku jinsiga ah ee isu galmoodo uusan ka mid ahayn dhammaan cayaartooyda qaramada caalamka iyo tartamada horyaallada kale ee caalamiga ah.
1990-kii, Justin Fashanu ayaa noqday cayaartooygii ugu horreeyay oo ah dadka isku jinsiga ah ee isu galmoodo oo ka mid noqday xulka qaranka ee Ingriiska.
Marka la eego cayaaraha kubadda cagta ee dumarka waxaa aad looga qeyb galiyaa oo la qaddariyaa dadka isku jinsihga ah ee isu galmoodo.
Megan Rapinoe, waxa ay ka mid tahay xiddigaha u dheela kooxda qaranka Mareykanka, waxa ayna si cad u sheegtay in ay ka mid tahay dadka isku jinsiga ah ee isu galmoodo, oo waxaa xitaa jaraa'idka American sports magazine boggiisa hore ku sawirnaa iyada iyo saaxiibteeda oo lagu magacaabo Sue Bird.










