Ra'iisalwasaare Kheyre oo Cadaado kula kulmay madaxweyne Xaaf

kheyre

Xigashada Sawirka, OPM SOMALIA

Ra'iisalwasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa safar dhulka uga soo baxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmugud.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra'iisalwasaare Xasan Cali Kheyre wafdiga uu ra'iisulwasaaraha hoggaaminayay ayaa waxaa magaalada Godinlabe ku soo dhaweeyay madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo mas'uuliyiin kale oo ka tiorsan Galmudug.

war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra'iisalwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu sheegay in ujeedada socdaalka ra'iisulwasaaraha uu yahay qaabkii uu reer Galmdug ugu caawin lahaa dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay.

Ka dib maalmo uu gorgortan siyayaasadeed oo adag uu ka socday xarunta maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb, ayaa madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf waxa uu gebi ahaanba isniintii la soo dhaafay ka guurey magaalada Dhuusamareeb , waxa uuna gaaray tuulada Godinlabe, taas oo u dhaxaysa Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Xaaf ayaa halkaasi kaga dhawaaqay in doorasho madaxtinimo lagu qabanayo magaalada Cadaado, islamarkaasna uu burburay heshiiskii Jabuuti ee Ahlu Sunna ay la gashay dowladdiisa. Balse waxaa markiiba warqad kale soo saaray madaxa xukuumadda Galmudug oo fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna sheegay in doorasho madaxtinimo lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb.

Khilaaf ka dhaxeeya Galmudug iyo Dowladda Federaalka ayaa soo jiitamayay intii muddo ah, waxa ugu badan ee la'isku hayayna waa muddo xileedka madaxweynaha Galmudug oo dowladda federaalka sheegtay in uu soo dhamaaday loona baahanyahay in doorasho cusub la qabto bisha July, balse arrintaas uu marar badan sheegey in aysan sax ahayn madaxweyne Xaaf.

Waxa uu khilaafka horseeday in Galmudug ay xiriirka wada shaqaynta u jarto dowladda federaalka.

XAAF

Xigashada Sawirka, SONNA

Dad badan ayaa waxa ay ka dhursugaya wax aka soo bixi doona kulanka ra'iisalwasaare Kheyre iyo madaxweyne Xaaf. Laakiin arrinta wali taagan ayaa ah in aan laga heshiin madasha lagu qaban doono doorashada Galmudug.

Sanatar Cabdi Xasan Awale Qeybdiid oo ah guddoomiyaha guddiga dastuurka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa BBC-da u sheegay in ra'iisalwasaare Kheyre uu ka qeybqaadanayo dhexdhexaadinta iyo dib-u-dhiska Galmudug.

Qeybdiid wuxuu sheegay in mas'uuliyiinta labada dhinac ee ku sugan Galmudug ay daacad ka yihiin sidii loo heli lahaa isfahan dhex mara dowladda dhexe iyo maamul goboleedka Galmudug isla markaana looga gudbi lahaa khilaafka hareeyay maamulkaasi.