Toddobo Jaantus : Carabta ma dhabarka ayay u jeedinayaan diinta?

Tusaale

Bulshada Carabta waxay sheegeen in aysan ku dhaqmin diinta, sida lagu xusay sahankii ugu weynaa ee laga sameeyay Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.

Sahanka waxaa diiradda lagu saaray sida bulshada Carabta ay u arkaan arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xuquuqda haweenka, arrimaha socdaalka, amniga iyo jinsiga.

In ka badan 25,000 ayaa lagu wareystay intii uu socday sahanka, waxaa sahankan si wadajir ah u sameeyay BBC-da laanta Carabiga iyo mashruuca daraasadka ee Arab Barometer.

Sahanka ayaa waxaa laga sameeyay ilaa 10 waddan oo uu kamid yahay deegaanno dhaca xadka Falastiin intii u dhexeeysay dabayaaqadii sannadkii 2018-kii iyo sannadkan 2019-ka.

Waxaana kamid ah natiijooyinka , kuwan soo socda sida ku xusan jaantusyada.

.

Tan iyo sannadkii 2013-kii, tirada dadka sheegay inaysan ku dhaqmin diinta ayaa sare u kacday oo waxay gaareen boqolkiiba 13, tirada waxay markii hore aheyd boqolkiiba 8, dadkaas waxaa u badan dadka ay da'doodu ka hooseeysa 30 jir, sida ay muujineyso daraasadda.

.

Inta badan dadka su'aalaha la weeydiyay waxay taageereen xuquuqda haweenka ay u leeyihiin inay noqdaan ra'iisul wasaare ama madaxweyne marka laga reebo dalka Algeria oo boqolkiiba 50 dadkii ka qeyb qaatay daraasadda ay sheegeen in haweenku ay madaxweyne noqon karaan.

Marka ay timaaddo arrimaha qoyska, inta badan waxay rumeysan yihiin, in ragga ay gaaraan go'aannada kama dambeysta ah ee arrimaha qoyska.

Waxaa jira dhaqamada ku saleysan dadka la sheegay inay waxyeello u geysteen sumcadda qoyska.

.

Dad badan oo ka qeyb qaatay sahanka waxay so dhaweeneen siyaasadda madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan marka loo barbardhigo siyaasadda Trump ee gobolkaas.

Toddobo kamid ah 11-ka meelood ee sahanka laga sameeyay waxay u riyaaqeen Erdogan.

.

Dal kasta oo ka qeyb qaatay daraasaddan tirada ma gaarsin karo boqolkiiba boqol sababta oo ah 'dadka diiday inay jawaab ka bixiyaan sahanka laguma darin'

Walaaca ugu weyn waxaa uu yahay arrimaha amniga ee gobolka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, markii wax laga weydiyay dalka halista ugu badan ku hayo amniga gobolka marka laga soo tego Israa'iil in Mareykanku uu yahay dalka labaad ee halista ku ah amniga gobolka halka Iiraan ay tahay dalka saddexaad.

.

Goobta kasta oo laga sameeyay sahanka, waxay daraasadda muujineysa in shantii qof midkood uu ka baaraandegayo inuu dalkiisa isaga tego, Dalka Suudaan waxaa arrintaas kala bar shacabka dalkaas.

Waxyaabaha horseeday sababtaas waxay tahay caqabadaha dhaqaale ee ka jiro dalalkaas.

.

Qaabka loo sameeyay sahanka

Sahanka waxaa sameeyay shabakadda daraasaadka ee Carabta ee ,Arab Barometer, waxaa su'aalo la weydiyay dad gaarayo 25,407 qof, waxaa dadkan lala yeeshay wareysi fool ka fool ah. shabakaddan waxaa uu fadhigeedu yahay jaamacadda Princeton ee ku taalla dalka Mareykanka.

Waxay soo bandhigeen daraasadaha kala duwan ay sameeyaan tan iyo sannadkii 2006-dii.

Waxay sahanka laga sameeyay ilaa 10 dal oo uu kamid yahay Falastiin.

.

Sahanka ayaa waxaa uu ku saleysan yahay fikradaha dadka carabta, sahankan kama aysan qeybqaadan dadyowga u dhashay dalalka Israa'iil iyo Iiraan. inta badan dalalka gobolka waxay qeyb qaateen daraasadda balse qaar kamid ah dalalka Khaliijka ayaa diiday daraasadda. Suuriya ma suurogelin in daraasadda laga soo sameeyo maadama dalkaas ay ka taagan yihiin dagaallo ayna adag tahay in la galo.

Iyadoo ay jiraan sababo la xiriiro dhaqanka iyo sharciyada dalaka qaar, waxay dalalka qaar codsadeen in meesha laga saaro su'aalaha qaar, waxaana arrintaas lagu daray natiijada soo baxday iyadoo si buuxda loo qeexayo xayiraadkaas.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sahanka waxaad kala socon kartaa bogga shabakadda Arab Barometer website.