Faadumo Jibriil : Dharkaygii ugu horeeyay waxaa laga sameeyay meeyrax

Faadumo Jibriil, Deegaan-jire heshay abaalmarin caadi ah
Qoraalka sawirka, Faadumo Jibriil, Deegaan-jire heshay abaalmarin caadi ah

Deegaanku wuxu marti galiyaa xoolaha,xooluhuna waxa ku nool dadka,waa muhiim in deegaanka xil layska saaro,Soomaaliya waa dal ay adag tahay in laga hadlo xaalufinta dhirta iyo waliba masiibooyinka dhalanroga deegaanka.

Balse Faadumo Jibriil ayaa noqotay qofka kaliya ee dumar ah ee u istaagay in ay wax ka qabato Deegaanka.

''Waxan ahay Faadumo Jaamac Jibriil,Islaan 72 sanno jirta ayaan ahay oo Somaaliyeed,waxaan ku noolahay xeebta Badda Cas,dhulka u dhaxeeya Berbera iyo Boosaaso,waanan ku qanacsanahay noloshayda,waxbarashadayda waxaan ka bilaabay malcaamad,waxaan ahaa gabadha kaliya ee sannadkaas heshay iskuulkii hoose dhexe,Burco ayaan Boodhin ka galay,markii aan dhamastay waxbarashadii hoose,waqtigaas Soomaaliland majirin dugsi sare oo gabdhaha ah kadib Aabahay ayaan Maraykan ugu tagay''

Muddo kadib oo ay Faadumo Jibriil ku noolayd Maraykan waxay go'aansatay in ay dalkii dib ugu soo noqoto,si ay qayb uga noqoto ilaalinta deegaankii ay ku barbaartay.

Haddaba maxay ahayd sababta Faadumo ku dhaliyay in doorato shaqada ilaalinta Deegaanka ?

Waatahan iyada oo BBC-da uga jawaabaysaa su'aashaas

''Deegaanka waxaan ku jeclahay ,markaan garaadsaday,gurigii aan ku noolaa Hooyaday ayaa gacmaha ku samaysay oo dhirta deegaanka ayay ka samaysay iyo maqaar,Caanaha aan cabayana Riyihii aan waxarahooda raacayay ayaa layga lisayay ama Geel,dharkii iigu horeeyay oo aan gashto aan xasuusnahay Hooyaday waxay ka samaysay mayrax (maydhax) ___ Mayraxdu waa diirka geedaha ___,sababtoo ah dharka jilicsan ee Carabta laga keenayay ilmo yar laguma khasaarayn karin oo qaali ayay ahaayeen,waxaan deegaanka ahay ma aqoon ilaa iminkana ma aaminsani in waxaan deegaanka ka imaan uu jiro''

Faadumo Jibriil waxay samaysay hay'da lagu magacaabo Adeso oo ka hawlgasha qaybo badan oo bariga Afrika ah,ujeedka ay u samaysay ayaa ahaa maadaama aysan jirin dawlada Soomaaliyeed oo miisaaniyad u haysa deegaanka in ay la kaashato wadamada deeqaha bixiya si loo hir galiyo,hadba deegaanka u baahan wax qabad.

Faadumo Jibriil waxa loo aqoonsaday in la siiyo Abaalmarinta ilaalinta deegaanka Afrika sannadkii 2014 kii,waxay noqotay Haweenaydii u horaysay ee abaalmarintan hesha,waxa bixiyay hay'ada UN,dadaal iyo waqti dheer ayay galisay sidii ay wax uga qaban lahayd deegaanada Puntland iyo goobo kale oo Soomaaliya ah,

''Dooxooyin badan ayaa isbadalay sida in aan leexinay biyaha oo biyo xidheeno u samaynay,waana lagu baxsaday,muhiimaduna waxan saaraynay in dadka aan barno sida loo ilaaliyo deegaanka,waqtigan Puntland lama laayo Ugaadha,qofkii dila waxa laga qaadaa xoolo badan,dhanka xeebta oo kaluumaysigu jira ,waxa labeeray xeebta Boosaaso ilaa Laasqoray dhexdeeda duufaanadii hore ee dhacay waxay dhameeyeen dhirta lo yaqaan Showrada ama Maangaruuf, dhirtaasi markay dhamaato waad ogtahay waxa milmay barafkii kadib baddii ayaa cunaysa barrigii, dhirtii dhamaatay ayaan dhulkaas ku beernay,Kaluunkii ayaa ku dhalaya,waxay noqotay in xoolihii daaqaan''

Faadumo Jibriil waxay waqtigan ku noosahay deegaan ay ka abuurtay Timirta, wuxuuna noqday deegaanka ugu badan ee timirta laga dhoofiyo Soomaaliya.