You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dalalka Afrika miyaa lagu dhacaa dawooyinka ay kasoo iibsadaan adduunka kale?
Waddamada qaaradda Afrika ayaa la sheegay inuu kharash aad u badan uu kaga baxo dawooyinka oo ay ku iibsadaan qiima u dhigma boqolkiiba 30% in ka badan qiimaha caadiga ah. .
Khabiir ku takahsustay dhinaca dhaqaalaha oo BBC NEWS Day u warantay ayaa sheegtay in dalalka qaaradda Afrika uu dakhligooda hooseeyo ama dhexdhexadka yahay ay kharashka ugu badan ku bixiyaan dawooyinka waxtarka leh.
Waddamada sida Zambia, Senegal iyo Tunisia, daawooyinka maalinlaha ah sida paracetamol qiimahood waxay ku kici karaan ilaa 30% boqolkiiba wax ka badan qiimaha caadiga ah ee ay ka joogaan Ingiriska iyo Marekanka.
Suuqyada dawooyinka ee dalalka saboolka ah in lagu xad gudbo, islamarkaasna aanan la dhawrin sharciyada tartanka xalaasha ah ee ganacsiga.
Ms Chalkidou, oo ah agaasimaha barnaamijyada caafimaadka ee caalamiga ah ee hay'adda Centre for Global Development., waxay soo saartay warbixin ku saabsan kala iibsiga dawooyinka oo ay dhawaan soo gabagabeysay.
Waxayana warbixintu inta ku dartay in dalalka horey u maray ay iibsadaan dawooyin badan, iyaga oo si wanaagsan u gorgortama, qiimo jabana ku hela, halka kuwa faqiirka ay ku helaan qiimo qaali ah, balse tayadoodu liitado.
Dalalka faqiirka ah qiimo jaban ayay dawooyinka ku helaan marka dalalka deeqda bixiya ay dawo kusoo iibinayaan magacooda, sababtoo ah dalalkan ayaa u galaya gorgortanka wax kala iibsiga.
"Arrintanna ayaa noqoneysa mid aad u dhib bdan," ayey tiri Chalkidou.
Dalalka dakhligoodu xoogaa soo kobcay "awood kooban ayay u leeyihiin inay ka gorgortamaan qiimaha lagaga iibiyo iyo alaabo tayada leh" balse waxaana jira waxyaabo badan oo saameynaya oo la xiriira canshuuraadka iyo musuqmaasuqa.
Waxay sheegtay in qawaaniintaan adag ay sababtay iney tayada daawooyinka aysan waligoodba sare u kicin oo ay hooseyso.
Warbixinta ayaa ku talineysa in wax laga beddelo iskaashiga heer caalami,dib-u-habeynna lagu sameeyo siyaasadaha Hay'adda Caafimaadka Adduunka iyo waddamada ay siyaasadahaasi saameynayaanba waxay wanaajin kartaa kala iibsiga dawooyinka iyo hoos u dhigidda qiimaha aadka u sarreeya oo dawooyinka ku kaca.