Amnesty: Itoobiya waa iney wax ka qabataa arrimaha xuquuqda aadanaha

Astaanta Amnesty International

Xigashada Sawirka, Astaanta Amnesty International

Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa Itoobiya ugu baaqday iney arrimaha xuquuqda aadanaha Isbeddel la taaban karo ay ku sameyso qaab dhismeedka hay'adaha xuquuqda aadanaha sida ay sheegayaan.

Hay'addu waxay warbixinteeda ay maanta soo saartay ku sheegtay iney ka dambeysay markii ay qiimeyn qoto dheer ku sameeysay warbixinno ay hay'adaha xuquuqda aadanaha Itoobiya ay soo saareen inta u dhaxeysay 2017-2019-ka.

Waxayna Amnesty ku sheegeen warbxinta iney waafaqsaneen ama aan loo marin siyaabaha lagu qiimeeyo warbixinnada la xidhiidha xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dalalka ka dhaca.

Agaasimaha hay'adda Amnesty International u fadhiya Bariga iyo waddamada harooyinka waaweyn ee Afrika Joan Niyanuki wuxuu sheegay "Warbixinta qaabka ay u soo diyaariyeen hay'adaha xuquuda aadanaha Itoobiya u dooda marka loo eego gabood falladi dalka Itoobiya ka dhacay ay yihiin kuwo aad u jilicsan oo dhibaatadi dhacday xal u noqon karin."

"Waxayna hay'adda Amnesty ay qiimeyn ku sameeysay 7-ba warbixin oo laga soo diyaariyey dhibaatooyin ka dhacay deegaannada Oromada iyo Amxarada oo ay mudaharadyada ugu badan ka socdeen seddexdi sano ee la soo dhaafay" ayuu yiri Mr Joan.

"Golayaasha xuquuqda aadanaha Itoobiya ka shaqeeya halki laga rabay iney eedda saaraan ciidmada ammaanka dowlada waxay eedda dusha uga rideen xisbiyada siyaasadeed ee mucaaradka iyo dadki ay waxyeellada soo gaartay taasoo xaqiiqda ka fog." ayuu yiri.

Itoobiy ayaa marar badan waxaa eedo la xiriiro xuquuqda aadanaha uga yimaadda hay'adaha xuquuqda aadanaha ee heer caalami in kasta oo ay dowladda Itoobiyana marar badan eedahaasi ku gacan seyrtay.

Ra'isal wasaaraha cusub ee Itoobiya oo isbeddel dhawr ah sameeyey inta uu xilka dalkaasi qabtay haddana waxaa jira dhibatooyin badan oo wax ka qabasho u baahan oo ay ka mid yihiin isku dhacyada qowmiyadaha oo horseedo xadgudubyo xuquuqda aadanha iney dhacaan.

Raisul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed

Xigashada Sawirka, EBC

Qoraalka sawirka, Raisul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed

Iskudhaca Qowmiyadaha

Dr Abiy Axmed mar uu ka hadlayey iskudhacyada qomiyadaha dalka Itoobiya ee sii badanaya waxaa uu sheegay iney dad gaaraya 3 milyan oo qof ay ku barakaceen colaado qowmiyadaha ka dhex dhacay.

"Halki sano ee aan xilka soo hayey 1.5 milyan ku dhawaad ayaa deegaannadooda ka qaxday halka 1.5 milyan ee harayna ay xerooyin ku sii jireen xilliga xilka la ii magacaabay."

Aniga oo si kooban uga jawabayo waxaan dhisnay wasaarad la yirahdo wasaaradda Nabadda oo ku shaqa leh iney dalka gudahiisa nabad ku soo dabbaasho waxaa inaga nala gudboon waxaa weeyey wasaaradda inaan dhinac walba ka taakuleyno inaga oo kaashaneyno shucuubta dalka iyo hoggaamiyeyaasha diimaha iyo dhaqanka.