Soomaaliya: Teleefoonada casriga oo dadka qutulyoonkoodi ka hor istaagay

.
Qoraalka sawirka, Qurba joogta ayaa kamid ah dalxiisayaasha Soomaalida ee xeebaha taga, halkanina waa xeebta Jazeera ee Muqdisho

Inta Badan da' yarta Soomaalida ayaa waxay ka cawdaan dhaqaale la'aan haysta, iyada oo xitaa qaarkood ay wax barteen haddana waxaa ku adkaata in ay helaan shaqooyin.

Waxaana in badan oo bulshada ka mid ah ay aaminsan yihiin in dhalinyarada ay abuuran karaan xirfado ay ku shaqeystaan balse aysan dareensaneyn xirfadahaas ama ay u arkaan shaqooyinka qaar in dhaqaale ay ka sameysan karaan.

Labo dhalinyaro ah ayaa waxaa shaqo abuur u noqday sawiro qaadista oo bulshada qaybaheeda kala duwan ay ka qaadaan iyaga oo ka hela dhaqaale .

Dhalinyaradan oo ku sugan magaalada Garowe ayaa subax kasta u shaqo tega in sawirro ay ka qaadan dadka doonaya inay sawirro ku galaan gudaha magaalada iyo meelaha ka baxsan.

Cabdi Qaadir Maxamed Xayir ayaa waxaa uu kamid yahay sawir qaadayaasha loogu jecel yahay, waxaa uuna lacag ka sameeya sawirrada uu dadka ka qaado.

Waxaa uu walaac ka muujiyay in mararka qaar uu wakhti badan kaga lumo marka uu gabdhaha ka qaadayo sawirrada maadaama ay wataan dhar badan oo ay isu baddalaayn si sawirro kala duwan looga qaado halkii ay muddadaas ka qaadi lahaayeen dhowr qof.

"Dumarka marka ay sawirrada galayaan, dhar badan ayay soo qaataan, marka aad mar ka qaaddid waxay ku dhahayaan walaal markale ina sug dharka ayaan iska soo baddaleynaa" ayuu yiri Maxamed Xayir oo la hadlayay BBC.

.
Qoraalka sawirka, Shaqada Sawir qaadista

Dhalinyaradan waxay sheegeen in lacagta ay ka helaan sawir qaadidda ay ku maareeyaan noloshooda.

Maxamed Xayir waxa uu sidoo kale sheegay inuu shaqo la'aan ahaa balse howshan ay u noqotay fursado wanaagsan.

"Marka ay qoys yihiin oo badan yihiin, waxaan ka qaadaa 35 doolar ilaa 45 doolar meelahaas" ayuu yiri Maxamed.

Axmed Cabdullaahi Maxamed oo isagana si weyn ugu takhasusayy sawir qaadidda ayaa waxaa uu sheegay in caqabado ay kala kulmaan telefoonada casriga ah oo ay dhalinyarada doorbidaan marka ay sawirrada galayaan oo ku sheegaan inay leeyihiin tayo wanaagsan.

Buuraha Caalmadow ee Sanaag ayaa ka mid ah goobaha quruxda badan ee dalxiiska ku wanaagsan

Xigashada Sawirka, ALI DUALE

Qoraalka sawirka, Buuraha Caalmadow ee Sanaag ayaa ka mid ah goobaha quruxda badan ee dalxiiska ku wanaagsan

"Dadku inta badan waxay ku leeyihiin, telefoonka ayaa inooga wacan, marka aad sawirka qaadid oo aad dadaal muujisid sidaas oo kale ayay ku dhahayaan" ayuu yiri Axmed.

Waxaa uu sheegay in sawirrada ay ku qaadaan qalab tayo leh oo ay markii dambe ku qancaan dadka teleefoonada isaga qaado sawirrada.

Soomaaliya, waxay dadku sawirrada ku galaan dhulalka xeebaha, buuraha iyo goobaha loo dalxiis tago.

Waxaana jira goobo badan oo qurux leh oo ku habboon in la isaga qaado sawirrada, kuwaas oo soo jidasho leh.