Heerka haweenka ay ka gaareen ciyaaraha kubadda cagta ee adduunka

Ciyaaraha koobka adduunka ee haweenka ayaa Faransiiska ka bilaabanaya Jimcaha.

Ciyaarahan oo bilawday sannadkii 1991-kii, ayaa waxa aad ugu horumaray ka qaybgalka dumarka ee dhanka ciyaarahan, taasi oo leh muhiim dhanka dhaqanka ah, iyada oo la sheegay inay jirta takoor ay la kulmaan dumarka marka loo barbardhigo ragga.

Isbaddalada dhacay intii ay socdeen tartamadan.

Muddo afar sanno ka hor ku dhawaad 1.35 milyan oo qof ayaa ka qayb galay ciyaaraha adduunka.

Xiriirka kubadda cagta ee aduunka ee Fifa, ayaa rajaynaya in sannadkan ay Faransiiska ka qeybgeli doonaan dad badan oo kala imaan dafaaha dunida.

Waxay dumarka ciyaarahan uga qeybgalayaan dhar u gaar ah haweenka.

Baaritaan iyo naqshadaynta alaabaha ay dumarka u baahanyihiin xilliga ciyaaraha ayaa ah kuwo kala duwan, kuwaas oo badanaa qaata wakhti dheer.

Ciyaaraha dumarka ayaa waxay weli hooseeyaamarka la barbardhigo ragga , haweenayda lacagta ugu badan qaadata ayaa u dhalatay dalka Norway waxa ayna heshaa lacag gaaraysa 450,000 oo doolar.

Ciyaaryahanno u dhashay dalka Australia ayaa cabasho u gudbiyey FIFA.

Ku dhawaad 97% tobabarayaasha waa rag.