Lammaane Soomaali ah oo ka macaasha munaasabadaha Ciidda

Diyaar garowga munaasabadda ciidul Fitriga ayaa laga dareemayaa guud ahaan dalalka islaamka, gaar ahaan deegaannada Soomaalida, waxaana suuqyada buux dhaafiyay dadka iibsanaya dharka iyo qalabka kale ee loogu talo galay mnaasabadda farxadda ah.
Dukaamada lagu iibiyo dharka ayaa dadaalka ugu badan sameeya marka ay Ciidda soo dhowdahay, waxaana dhammaan ganacsatadu ay isku dayaan inay soo jiitaan indhaha shacabka, si ay macaamiil badan u helaan.
Qaarkood waxay sameeyaan xayeysiimo kharash badan ku baxo oo ay ugga gol leeyihiin inay ganacsigooda ku socodsiiyaan.

Dharka ay lasoo shir tagaan waxaa ugu badan kuwa loogu talogalay carruurta iyo haweenka, waxaana xilliyada ay ciidda soo dhowdahay caadi ah in qiimaha dharka uu aad sare ugu kaco.
Sannad kasta xilliyadan oo kale, boorarka lagu xayeysiiyo noocyada kala duwan ee dharka ayaa ku bata jidadka magaalada Muqdisho.

Dharka ugu badan ee goobahan lagu soo dhejiyo waa kuwa gabdhaha da'dooda ay u dhexeyso 1 illaa 12 sano jir.
Shirkadda Lamaanaha ee Ciidda laga macaasho
Mid ka mid ah xarumaha ganacsiga ee dharkan la keeno waxaa iska leh lamaane howshan ku jiray muddo 20 sano ka badan.
"Shirkadan waxey uga duwantahay ganacsiyada kale waxaa iska leh aniga xaaskeyga khadra oo run ahaantii si aad ah uga qeyb qaadatay in ganacsigeenna uu soo gaaro heerka uu soo maanta joogo. Marka ma ahan shirkad dad badan inta fikrad isku darsadeen la kala jiid jiito laakin waa fikrad hal meel ka go'da kaalin aad u weyn ayeyna gabadha ku leedahay horumarka ganacsigan", ayuu yidhi Bashiir oo ah milkiilaha shirkadda.

Dharkan shirkaddan oo sannad walba laga baddalo faashiyoonka iyo sida ay u naqshadeysan yihiin waxaa laga keenaa dalal ku yaalla qaaradda Asia, sida Shiinaha.
Waxaa lagu iibiyaa $50 dollar halkii joog, dad badan ayaana safaf u gala inay qaataan.
lacagtaas waa mushaarka bishii qaataan dadka qaar ee ku nool magaalada Muqdisho.
Balse, Soomaaliya oo wali ku jirta ka soo kabashada colaadaha sokeeye, sidoo kalena amniga uusan wanaagsanayn, dadka intooda badan waa ku qaali, mana awoodaan in caruurtooda ay uga farxiyaan dharka xilligan la xiiseynayo.
"Maanta waxaan soo booqanay xarumo ganacsi oo aan ugu tala galnay in aan caruurteena wax uga gadno, waxaan raadineynay naqshadaha cusub ee sannad walba soo baxa, waa dhar aad u fiican balse xagga qiimaha waa qaali waalid kasta ilmahiisa kagama farxin karo", ayey tidhi mid kamid ah haweenka ka dukaameysanayay suuqa mashquulka ah.
Xilliyadan, dadka ku nool Muqdisho, qaarna waxay kusoo labistaan dharka kuwooda ugu quruxda badan, uguna qaalisan, halkan kuwa kale ay sugayaan sadaqada ay dadka qaar ka helaan.










