You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Malaayin lacag ah oo lagu qoray eray khalad ah
Lacagta dalka Australia ee 50-ka doolar ayaa waxa lagu arkay khalad kadib markii la daabacay.
Bangiga dalka Australia ee RBA ayaa ereyga ma'uuliyad si khalad ah ugu daabacay lacagta oo gaaraysa maalaayiin doolar.
RBA ayaa xaqiijiyey khaladka maalintii Khamiista ahayd waxayna sheegeen in khaladka laga sixi doono lacagaha kale ee mustaqbalka la daabici doono.
Balse hadda, ku dhawaad 46 milyan oo lacagahan ah ayaa laga isticmaalaya gudaha dalka.
Muddo lix bilood ah ayey qaadatay in la ogaado in lacagta uu ku qoran yahay eray khalad ah.
Xaanshida 50-ka doolar ayaa gaartay guud ahaan gudaha dalka Australia, waana lacagta ugu badan ee aad loo isticmaalo.
Markii la daabacay lacagahan bishii Oktober, aalado cusub oo dhanka ammaanka ah ayaa naqshadan lagu ilaaliyey si looga hortago si aanan la daabicin lacag u eg.
Dadka qaar ayaa la yaabay - "lacagta qoraalkeeda khaldanyahay" balse lacagtan ayaa ah mid sax ah.