Maalqabeenada Mareykanka markay xabsiga galaan maxay sameeyaan?

Ciidamda Asluubta Mareykanka oo hortaagan albaabka laga galo xabsiga dhexe ee Alderson

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ciidamda Asluubta Mareykanka oo hortaagan albaabka laga galo xabsiga dhexe ee Alderson

Qareenki hore ee madaxweyne Trump Former Michael Cohen iyo shaqsiyaad kale ayaa laga yaabaa in dhawaan sharciga la horgeeyo qaarkoodna ay xabsi muteystaan.

Dadka maalqabeenka ah marka ay xabsiyada galaan waxay xabsi ugu dhex noolaadaan si ka duwan maxaabiista kale ee la xidhan.

Waxayna inta badan qabsadaan Khubaro kala taliso sida ay xabsiga ula qabsan lahaayeen iyaga oo si wanagsan ugala talinaya sida ay u wajahayaan noolasha.

Martha Stewart, Bernie Madoff, Ciyaaryahanka NFL Michael Vick, Plaxico Burress, jilayaasha Teresa Guiudice iyo Abby Lee Miller, ayaa ka mid ah dadka xabsiyada ku jira oo malqabeenka ah kuwaasi oo ay la taliyaan khubaro iyaga oo loo soo marayo nidaamka caddaaladda.

Waxayna khubaradu shaqsiyaadkaasi kala talinayaan guud ahaan marxaladda dacwadda ilaa iyo xukunka qofka uu ku dhaco, dib u eegista dacwadda, racfaan qaadashada iwm...

Waxayna dadka maalqabeenka ah ee xabsiyada ku jira ay fursad u helaan saqde dhexe marka la marayo iney qoysaskooda teleefan kula hadlaan.

Adeegyada la talinta maxbuusta hantiilayaasha ah waxay ku bixiyaan kharsh gaaraya $100,000 oo doolar (£75,000 oo gini).

Haddaba dadkan maxaabiista lacgta leh ee xabsiga gudahiisa la talinta iyo tababarrdaba ku siiyo maxay qabtaan?

Larry Levine

Xigashada Sawirka, Larry Levine

Larry Levine oo ka mid ah la taliyeyaasha arrimaha xabsiga oo BBC-da u warramay wuxuu sheegay "Mar haddii aaad xabsi gasho waxaad waayeysaa inad noolashaada maareyso."

"Qof marka uu heshiis la talin ila galo, waxaan qofkaasi ka caawinayaa sidi ay wax uga ogaan lahayeen xuquuqaha ay xabsiga ku dhex leeyihiin iyo waxa la gudboon iney sameeyaan si ay noolashooda u hantaan inta ay xabsiga ku jiraan".

Mr Levine oo sanda badan ganacsi ku soo jiray, wuxuu sida oo kale la taliyenimo ula soo shaqeeyey xabsiyo kala duwan oo ku yaalla dalka Mareykanka.

Jilayaasha kala ah Felicity Huffman iyo Lori Loughlin oo ka soo jeeda qoysas maalqabeen ah waxaa loo haystaa iney sameeyeen shirqool ay carruurtooda ugu xadayeen imtixaanaadka iyo iney shahaadooyin been abuur ah ay la soo shaqa tageen.

Qaar ka mid ah khubarada maxaabiista la taliso oo ay BBC-da la xiriirtay waxay u sheegeen iney qareennada maxaabiista ay kalsoni badan ku qabin, ayna awoodin iney wax weliba sida ay u dhacayaan ay kuugu sharraxayaan waxayna ahmiyadda siiyaan iney dhibbanah heshiis la galaan halka la rabay iney xoogga saraan sidi dacwadda loo laali lahaa.

Jilaa Lori Loughlin iyo Seygeeda Mossimo Giannulli

Xigashada Sawirka, Boston Globe via Getty Images

Qoraalka sawirka, Jilaa Lori Loughlin iyo Seygeeda Mossimo Giannulli

Dadka lacagta leh ee xabsiyada lagu xukumaa inta badan xabsiyada lagu hayo ayaa ah kuwo ka duwan xabsiyada caadiga ah.

"Xabsiyada dadka caadiga ah ee xukuman la geliyo 44% waa ciriiri, ammaankooda aad ayey u adag yihiin qaarkoodna koronto ayaaba ku wareegsan" ayuu yiri Michael Frantz oo ah agaasimaha la talinta hay'adda Jail Time.

"Xasiyada aadka loo ilaaliyo oo ku yallo meelo aad u fogfog waxay maxaabiista qoysaskooda ay ka fogeeyaan 2,000 ilaa 2,500 oo mile xabsiyadaasi oo ay mararka qaarna ka dhacaan rabshado ay sameeyaan macbiista."

Mr Frantz oo 36 bilood xabsiga dhexe ku jiray wuxuu maxaabiista ka caawin jiray codsiyadooda ah in la geeyo meel ammaan ah oo ay xorriyad ka helaan iyada oo la kala dorransiinayo macbiista laftooda."

Michael Cohen wuxuu xabsi uu ku jirayaa muddo seddex sana ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Michael Cohen wuxuu xabsi uu ku jirayaa muddo seddex sana ah

"Haddii uu maxaabiisku yahay mid jecel inuu keligii ahaado buugaagtana uu akhristo waa lo tixgelinayaa. Haddii uu cunto gaar ah u u baahan yahayna sida oo kale" waan la raadinnaa ayuu yiri Mr Frantz."

Mr Frantz wuxuu digniin ka bixiyey arrinta Cohen, madaamaa uu xabsiga kala kulmi karo taageerayaasha Trump dhibaatana ay u geystan sidaa darteed loo bahan yahay in meel gaar ah lagu hayo.

"Taageerayaasha jecel Trump haba yaraatee Cohen fursad ma siinayaan" ayuu yiri Mr Frantz.

Justin Paperny

Xigashada Sawirka, Justin Paperny

Qoraalka sawirka, Justin Paperny

Mr Frantz waxaa kale uu sheegay casharrada dhinaca la talinta Maxaabiista qiimaha ugu yar ee lagu helo inuu yahay $495 doolar (£376 gini), balse ciddi dooneyso adeegga guud ee la talinta iyo adeegyo kale oo 24 saac ah wuxuu ku kacayaa kharash dhan $35,000 oo doolar.

Dhinaca kalana dadka arrimahan u dhuun daloolo waxay sheegaan qiimaha la taliyeyaasha ay maxaabiista ka qaadaan iney aad u sarreyso oo aan loo baahneen qof xiran in lacag intaa le'eg la weydiiyo.