Halkee ayuu ku dambeeyay ururka Al-Qaacidda?

Mudaharaadyo looga soo horjeedo Mareykanka kaddib marki uu dilay Osama bin-Laden 2011-kii
Qoraalka sawirka, Mudaharaadyo looga soo horjeedo Mareykanka kaddib marki uu dilay Osama bin-Laden 2011-kii

Siddeed sanno ayaa ka soo wareegtay tan iyo markii hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacidda Usama Bin Laden ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ku dileen duqeyn ka dhacday magaalada Abbottabad ee dalka Pakistaan.

Ururka uu hoggaaminayay waxaa lagu tirinayay inuu yahay kooxaha jihaad-doonka dunida ee geysta dhimashada ugu badan, isaga oo ay ka amar qaadan jireen kumannaan dagaalyananno ah.

Hadda, halkey maanta gaarsiisan tahay saameyntooda iyo halista ay ku hayaan amniga dunida?

Inkasta oo ay kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamka, ay sanadihii ugu dambeeyay qabsatay warbaahinta, Al-Qaacidda waxay qorsheyneysay inay dib u dhisto isla markaasna xoojiso ururrada taabacsan ee ka jiro gobollada.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay horraantii sanadkan oo ku saabsan dhibaatada argagixisada caalamiga ah ayay ku sheegtay in Al Qaacidda ay sameynayaan horumaro, waxaa ay ka howlgalaan deeganno badan, waxaa ay ku taagan yihiin ka miro dhalinta hadafkooda caalamiga ah.

Bishii Febraayo ee sannadkan, madaxa sirddoonka Mareykanka Alex Young ayaa ka digay rogaal celinta Al-Qaacidda.

Khariidad muujineyso caalamka waddamada ay Al-Qaacida iyo IS ka howl galaan
Qoraalka sawirka, Khariidad muujineyso caalamka waddamada ay Al-Qaacida iyo IS ka howl galaan

Ururrada taabacsan

Dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Qadacida uu Mareykanka wado, dilkii hoggaamiyahooda iyo loollanka ay billaawday kooxda isku magacaawaday Dowladda Islaamka kaddib , waxay Al-Qaacida bilaawday istraatiijiyad cusub.

Waxayna ku guuleysteen inay ururro taabacsan kaga dhawaaqaan qaaradda Afrika, Bariga Dhexe iyo Koonfurta Aasiya.

Ururadan waxaa ka tirsan maleeshiyaad maxalli ah oo daacad u ah hoggaanka sare ee Al Qaacida.

Marka loo eego kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamka, Al-Qaacida waxay si weyn uga taxaddarayeen inay ka fogaadaan dadka deegaanka.

Qaraxyada ururka Al-Shabaab ee gacan saarka la leh Al-qaacida oo weerarra joogta ah ka fuliyo Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qaraxyada ururka Al-Shabaab ee gacan saarka la leh Al-qaacida oo weerarra joogta ah ka fuliyo Soomaaliya

Istraatiijiyaddooda cusub waxaa kamid ah inay xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin bulshada si ay uga qeyb geliyaan isballaadhinta ay sameeynayaan.

Al-Qaacidda waxay si joogto ah u kordhisay weerarada ay qaaddo iyada oo adeegsaneysa laamaha ay caalamka ku leedahay iyo ururrada ay gacan saarka la leedahay.

sida ku cad xog ay soo ururisay Mashruuca Mashruuca Dhibaatada Dagaalka & Mashruuca Mashruuca Dhacdada (ACLED), sanadki 2018-kii oo keli ah wuxuu ururka Al-Qaacida uu caalamka ka sameeysay 316 weerar.

Al-Qaacida ayaa si joogta ah u sii kordhineysay weerarada ay ka geysato caalamka.

Weerarrada ay geysteen Kooxaha gacan saarka la leh Alqaacida inta u dhaxeysay Janaayo 2017-Fabraayo 2019
Qoraalka sawirka, Weerarrada ay geysteen Kooxaha gacan saarka la leh Alqaacida inta u dhaxeysay Janaayo 2017-Fabraayo 2019

Hoggaanka Mustaqbalka?

Hadal uu jeediyey sanadkii 2015-kii, hogaamiyaha haatan hogaamiyo Al-Qaacida Ayman al-Zawahiri ayaa will yar ka soo dhex saaray shabakada Al-Qaacida, kaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay 'libaaxa shabakadda binlaadin u ka tagay'.

Ninka da'da yar waxaa uu ahaa Hamza bin Laden oo ah wiil uu dhalay hogaamiyahii hore ee kooxda kaas oo si weyn loogu arko inuu yahay hogaamiyaha mustaqbalka ee Al-Qaacida.

Hamza Bin Laden lama garanayo halka uu ku sugan yahay

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Hamza Bin Laden lama garanayo halka uu ku sugan yahay

Dawladda Mareykanka ayaa horaan sheegtay in lacag dhan hal milyan oo doolar (£750,000 oo Gini) ay siineyso cidii war ka keenta Xamza halka uu ku sugan yahay.

Sanadihii la soo dhaafay, wuxuu baahiyay fariimo isugu jiray cod iyo muuqaal isagoo ugu baaqaya taageerayaashiisa inay weeraraan Mareykanka iyo xulafadiisa reer galbeedka si ay ugu aar gudaan dilkii aabihii.

Laamaha Al-Qaeda uu ku leeyahay caalamka

  • Garabka Alqacida ee Maghreb- waxaa la aasaasay 2006-dii marki ay koox miliishiya oo ka dagaallanto Algeriya ay xiriir la sameeysteen Al-Qaacida. Cadaadis xooggan oo ay kala kulmeen ciidamada Algeeriya awgeedna ay saldhigyo ka sameeysteen degaanno ku yaalla Sahel iyo Galbeedka Afrika.
  • Garabka Al-Qaacida ee Jasiiradda Carabta- waxaa la aasaasay 2009-kii marki ay midoobeen laba kooxood oo kala ah shabakadda jihaad doonka caalamiga iyo koox kale oo Sacuudiga ka dhisneyd.
  • Garabka Al-Qaacida ee qaybta qaaradda Hindiya- garabkan waxay ka howl gashaa Afghanistan, Pakistan, Hindiya, Miyaanmar iyo Bangladesh wuxuuna garabkan aasaasmay bishi September 2014-kii.
  • Jamacatu Nusral-Islam wal-Muslimiin- Jabeecadan oo gacan saar weyn la leh ururka Al-Qaacida waxay ka sameeysmeen kooxa ka jiray Mali iyo Galbeedka Afrika oo midoobay.
  • Al-Shabaab- wuxuu ka howl galaa Soomaaliya iyo Geeska Afrika waxayna ururka Al-Qaacida xiriir la sameeysteen 2012-kii.
  • Kooxda Xayaat Taxriir al-Sham- waxay ka sameeysantay kooxo islaamiyiin ah oo ka dagaallama dalka Suuriya waxayna kooxda xiriir la leedahay ururka Al-Qaacida sida ay qaramada midoobay sheegtay. Kooxduna waxay hadda gacanta ku haysaa gobolka Idlib ee Waqooyiga Suuriya.
  • Garabka Al-Qaacida ee Masar- waa koox xiriir la leh ururka Al-Qaacida waxayna kooxdu ka howl gashaa Gacanka Sinnaay ee dalka Masar.
Number of fighters in al-Qaeda affiliates. . Data showing number of fighters in al-Qaeda affiliates Data as of August 2018.