Mo Salah iyo cayaartoyda caanka ah ee millatarinnimada soo maray

Mohamed Salah

Xigashada Sawirka, Standard

Qoraalka sawirka, Mohamed Salah

Ma ogtahay in qaar ka mid ah laacibiinta ka dheela horyaalka Ingiriiska ee Premier League-gga ay milatarinimo soo mareen kadibna siyaabooyin kala duwan uga soo baxsadeen?

Dawladda UK iyo dawlada kale ayaa waxaa qasab ah in marka dhalin-yarada ay garaan 18 sano jir ay soo maraan tababar milatari oo ah hal ilaa iyo laba sano ah.

Sidaa darteed cayaartoyada ka soo jeedda waddamadas ayay khasab tahay in ay soo maraan tababarkaas, haseyeeshee qaar ka mid ah cayaaryahanda ayaa helay waddo ay kaga soo baxsadaan tababarrada milatariga.

Waxaan eegeeynaa shan cayaartooyo oo ka dheela horyaalka Ingiriiska ee Premier League-gga oo la sheegay in ay ka soo baxsadeen milatariga.

Mohamed Salah - Masar

Mohamed Salah ayaa door weyn ka cayaaray isbedelka naadiga Liverpool tan iyo markii kooxda uu ku soo biiray 22-kii bishii June ee 2017-kii.

Salah ayaa wacdaro dhigay xilli cayaareedkiisii ugu horreeyay ee Premier League-gga, waxa uuna shabaqa ku hubsaday 32-gool, taasi oo ka dhigtay in uu noqdo cayaaryahankii ugu goolasha badnaa markaasi.

Balse sannadkii 2014-kii ayaa waxaa soo ifbaxay warar sheegaya in Salah uusan dhameysan tababarka milatariga ee dalka Masar, sidaa darteedna dib loogu celin doono xerada milatariga si uu soo dhameeysto tababarka.

Nasiib wanaag, 26 jirkaan ayaanan ku laaban dalkiisa kadib markii arrintiisa uu soo dhex-galay ra'sal-wasaaraha Masar oo sidaasi lagu xaliyay.

Per Mertesacker - Jarmalka

Per Mertesacker
Qoraalka sawirka, Per Mertesacker

Waa cayaaryahan horay uga tirsanaa naadiga Arsenal oo aad u dheer, waxa uuna ka soo baxsaday milatariga.

Balse Mertesacker ayaa maamulka u qoray warqad uu ku wargalinayay oo ahayd in uu aad u dheeryahay oo uusan la ekayn taangiyada. Dheerarkiisuna waxagaarayaa 6'6 cagood

Waxa uu dheerarkiisa gaarayaa 6'6 cagood taasi ayaana khasabtay in uu ka soo baxo milatariga.

Waxaana u suuragashay in codsigiisa ay ka aqbalaan maamulka inkastoo uu dalkiisa wax badan ku soo kordhoiyay oo ah dhinaca caafimaadka gaar-ahaan xanuunada ku dhaca maskaxda.

Nemanja Vidic - Serbia

Nemanja Vidic

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Nemanja Vidic

Daaficii hore ee Manchester United ayaa magaaladiisii Uzice ka soo tagay isaga oo 15-sano jir ah si uu ugu biiro kooxda Red Star.

Markii dambana waxa uu waraaq cadeeyneeyso in uu yahay cayaar-yahan u geeyay milatariga taasi ayaana u sahashay in uu ka badbaado tababarka milatariga.

Yossi Benayoun - Israel

Nemanja Vidic
Qoraalka sawirka, Nemanja Vidic

Xiddigii hore ee Liverpool ayaa isagoo 18 sano jir ah ku biiray milatariga Israa'iil oo khasab in uu qofkasta oo gaaro 18 sano qaato tababarka.

Balse waxaa u suuro gashay in uu sii wato kubadda cagta, waxaa uuna markiii dambe kooxaha West Ham, Liverpool, Chelsea, Arsenal iyo QPR.

Son Heung-Min - South Korea

Son Heung-Min

Xigashada Sawirka, PA

Qoraalka sawirka, Son Heung-Min

Dhamaan raga da'doodu ka sareeyso 20 sano ee dalka Kuuriyada koonfureed ayaa looga baahanyahay in ugu yaraan labo sano ay la shaqeeyaan milatariga.

Weeraryahankan u dheela naadiga Tottenham ayaa si dirqi ah uga badbaaday in uu ku biiro milatariga kadib markii ay Kuuriyada Koonfureed ku guuleeysatay koobka Asia.

Cayaartooyda ku guuleeysto cayaaraha Asia ayaa laga saaraa milatariga dalkaasi, sidaasi ayuuna kaga badbaaday in Son Heung-Min ka sii mid ahaado milatariga Kuuriyada Koonfureed.