Sawirro: weerarradii lagu le'day ee ka dhacay Sri Lanka

In ka badan 200 o qof ayaa lagu dilay qaraxyadi lala beegsaday Kaniisado iyo Huteello ku yaalla dalka Siri lanka.

Qaraxyadaasi maanta ka dhacay dalka Sirilanka ayaa argagax ku abuuray shacabka dalkaasi, iyada oo si aad ah loo adkeeyey ammaanka kaniisadaha iyo huteellada ku yaalla dalkaasi.

Dadka la xaqiijiyey iney eheladooda ku dhinteen weerarkaasi waxaa lagu wargeliyey iney dadkooda wax ku noqdeen.

Bam kale oo aan qarxin ayaa lagu arkay kaniisadda Anthony's Shrine, waxaana isku hareereeyey ciidamada ammaanka dalka Siri lanka.

Kaniisadda Anthony's Shrine waxaa laga soo saaray dad badan oo diinta Budhisim aaminsan oo ku cibaadeysanayey.

Weerarrada ismidaaminta waxaa sida oo kale lala beegsaday Huteello ay inta badan isticmaalaan dalxiisayaasha dalkaasi dalxiiska ku taga.

Baadariyiin ku sugan kaniisadda St Sebastian's oo ka warsugayo baaritaanka ay booliska wadaan.

Baadariyiin kaniisad gudaheed ku sugan oo aad uga murugeysan waxa kaniisadahooda ku dhacay iyo dadka ay waxyeellada soo gaartay.

Gaadiidka degdegga ah ee Ambulance oo ku howlan qaadista dadki ay qaraxyada waxyeellada ka soo gaareen.

Ra'isal wasaaraha Ranil Wickremesinghe oo gaaray goobihi ay qraxyada ka dhaceen.