Kulankii baarlamaanka Soomaaliya oo kusoo dhamaaday buuq iyo jahwareer

Kulan la damacsanaa in looga hadlo xaaladda amniga dalka Soomaaliya oo ay xildhibaanada maanta yeesheen ayaa ku dhamaaday guuldarro kaddib markii kalfadhiga xubnaha baarlamaanka uu harreeyay buuq iyo sawaxan horseeday in kulanka lasoo afjaro.
Muranka wuxuu ka dhashay markii lasoo jeediyay in saxafadda bannaanka looga saaro gudaha baarlamaanka maadaama laga arrinsanayo arrin xasaasi ah.
Khilaafka ayaa soo ifbaxay markii guddoonka baarlamaanka uu soo jeediyay codsi ah in warbaahinta laga saaro kalfadhiga isla markaasna ay xildhibaanada ay diideen tallaabadaasi, sida uu BBC u sheegay xildhibaan Cabdiraxiin Macalin
"Shacabka Soomaaliyeed xaq ayay u leeyihiin inay ogadaan dalka waxa ka socda, inay ogaadaan xukumaddiisa shaqada ay heyso, marka taas ayaan u aragnay inay ku tahay khalad baarlamaankii iyo madaxbanaanidiisii iyo shaqaddiisii" ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxiin Macalin.
Tallaabada warbaahinta looga saarayo baarlamaanka waa inay ka timaadda codsi ay xildhibaanada soo jeediyaan.
"Xeer hoosaadka waxaa ku qoran, soo jeedinta waa inay xildhibaanada ka timaaddaa, guddoomiyaha baarlamaanka iyo guddoomiye ku-xigeenka intuba xildhibaanada ayay kamid yihiin...xaq ayaa loo leeyahay in cod la geliyo..loo codeeyo, haddii codka laga helo bannaanka loo saaro" ayu yiri xildhibaanka.
Cabdiraxiin Macalin ayaa sidoo kale sheegay in hannaanka loo maray tallaabadan ay khilaafsan tahay nidaamka iyo xeer hoosaadka baarlamaanka.

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA
Dhanka kale, nidaamiyaha baarlamaanka xildhibaan Nuux ayaa BBC-da sheegay in kulankaasi uusan baaqan balse loo codeeyay in warbaahinta laga saaro kalfadhiga. Sidaas darteedna ay xildhibaanadii kasoo horjeeday arrintaasi ay buuq dhaliyeen.
Waxaa uu sheegay in warbaahinta loogu talagalay inay ka baxaan kulanka maadama xogta arrimaha amniga ay tahay mid xasaasi ah.
"Wuxuu soo jeediyay guddoomiyaha baarlamaanka in warbaahinta ay bannaanka tagaan inta ay socota doodda amnigu" ayuu yiri xildhibaan Nuux.
Xaalada Amniga ee magaalada Muqdisho iyo gobolada ku xeeran ayaa sii xumaanayay dhawrkii bilood ee ugu dambeeyay iyadoo Kooxda Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ay ka fulinayso magaalada Caasimada ah iyo gobolada Shabeelooyinka.










