You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sidee ayey ku caafimaadday gabadhii kansarka qabtay ee rajo la’aanta ahayd?
Yusra oo 6 sano jir ah waxaan markii ugu horreysay la kulannay bishii Oktobar ee sannadkii 2018-kii, xilligaasoo ay aad ula il darneyd cudurka halista ah ee kansarka.
Isheeda bidix ayuu ku sii fidayay cudurkaas, wax rajo ahna ma aysan lahayn.
Maadaama qoyskeeda ay ku xanibnaayeen dalka ay dagaallada la hareen ee Yemen, ma aysan heli karin daweynta ay u baahneyd in dibadda loogu qaado.
Inkastoo qoyskeeda aysan awood dhaqaale lahayn, haddana Yemen waxaa saaran xayiraad uu Sacuudiga kusoo rogay duullimaadyada dadka rayidka ah.
Hooyadeed Xayaat Cali Axmed oo aad uga murugeysan xaaladda gabadheeda ayaa tidhi sidan: "Walwal dartiis ayey xaaladdeyda meel xun u mareysaa waxaana ku dhawahay inaan murug u dhinto, haddii la i dhihi lahaa qalliin halagu sameeyo oo ishaada ha loo galiyo waan ku farxi lahaa".
Ka dib markii ay BBC-da baahisay sheekadeeda qiirada leh ayey u istaageen hay'ado samafal ah, waxaana loo duuliyay waddanka Urdun oo qalliin loogu sameeyay.
Muddo dhow bilood ah ayey hay'adahan u dadaalayeen sidii Yusra looga soo dhoofin lahaa Yemen.
Ugu dambeyn waxaa u suurta gashay inay geeyaan dalka Urdun, halkaasoo ay ka heli kartay Isbitaal tayo leh.
Bishii Maarso ayaa gabadhan lagu sameeyay qalliin aad u weyn oo looga saaray unugyadii uu kansarka saameeyay.
Dr Yacquub Yuusuf oo ka howl gala Isbitaalka King Hussein Cancer Centre ee magaalada Camaan ayaa ku guuleystay qalliinka lagu sameeyay isha Yusra, wuxuuna ahaa mid ka mid ah qalliinnadii ugu adkaa ee abid soo mara dhakhtarkan.
Wuxuu ku khasbanaa in uu isha idil ka saaro, laakiin wuxuu sheegay in kansarku uusan si aad ah u sii fidin.
"Haddii la ii keeni lahaa 4 ama 5 bilood ka hor xilliga aan la kulmay, xitaa isheeda ayaan badbaadin lahaa, balse nasiib darro, dagaalka Yemen ka socda dartiis, xilli-gaas ma aysan imaan karin", ayuu yidhi Dr Yuusuf.
Hase ahaatee wuxuu ku adkeystay in warka wanaagsan uu yahay mar haddiiba ay nafteeda badbaadday.
"Aad baan u faraxsanahay hadda waana nafisay, waxaan dareemayaa sidii in ay mar kale ii dhalatay gabadheyda", ayey tidhi Xayaat Cali Axmed.
Dhowr bilood ka dib, dhakhaatiirtu waxay rajeynayaan in Yusra loo galiyo il macmal ah, ka dibna lagu celiyo waddankeeda Yemen.
Hadda Yusra waxay billowday inay waalidkeeda weydiiso qalabka iskuulka, si ay wax barashadeeda u billowdo.