Madaxweyne Muusa Biixi oo isku shaandheeyey golahiisa wasiirrada

Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa isku shaandheeyey golahiisa wasiirrada.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-286/032019, uu Xilka qaadis, Magacaabid iyo Isku-beddel uu ku sameeyey xubno ka mida xukuumaddiisa.
Wasiirrada xilka laga qaaday
- Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo)- Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
- Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle- Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga
- Maxamed Muuse Abees -Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Agaasimayaasha xilka laga qaaday
- Jamaal Cabdilaahi Muxumed- Agaasimihii hore ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga
- Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye- Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka
- Cabdikariim Xuseen Siciid- Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
Wakiillada xilka laga qaaday:
- Xasan Hirad Yaasiin- Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta
- Ayaanle Salaad Diiriye- Wakiil Ku Xigeenkii hore ee Somaliland ee Dalka Kenya

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Mas'uuliyiinta uu madaxweynaha xilalka u magacaabay:
- Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid- Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga
- Maxamed Muuse Diiriye Wacays- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
- Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda
- LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka
- Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
- Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arr. Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
- Maxamed Yuusuf Ismaaciil- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha
- Jamaal Cabdi Muuse Diiriye- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka
- Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
- Mukhtaar Maxamed Cali- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
- Farxaan Aadan Haybe- Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda
- Muniir Xaaji Cabdillaahi Abusite- Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta
- Sharmaarke Axmed Muxummed Geelle- Wakiil Ku Xigeenka Somaliland ee Dalka Kenya iyo
- Maxamed Cabdillaahi Ibraahim- Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer.







