“Saaxiibkay ayay iiga dileen weerarkii masaajidka”

Kayden waxa uu ahaa saaxiibka rummaad ee Sayid Milna oo lagu dhex toogtay masaajidka Al Nuur ee Christchurch
Qoraalka sawirka, Kayden waxa uu ahaa saaxiibka rummaad ee Sayid Milna oo lagu dhex toogtay masaajidka Al Nuur ee Christchurch

Dadka uu sida aadka u saameeyay weerarkii masaajidda ee dalka New Zealand waxaa ka mid ah ardaydii ay iskuulka isla dhiganayeen mid ka mid ah dadkii lagu dilay weerarka.

Sayid Milna waxa uu ahaa 14 jir nolosha rajo badan ka qaba, balse nasiib darro ninkii weerarka geystay ayaa cimrigiisa soo gaabiyay kadib markii uu si naxariis darro ah u toogtay.

Ardayda iskuulkii uu dhiganayay, iskuulka sare ee Cashmere , ayaa u sameeyay baroordiiq balaaran.

Waxaa dadka saamaynta shaqsiga ay ku yeelatay ka mid ah saaxiibkii rumaad ee Sayid oo lagu magacaabo Kayden, BBC-da ayuu uga waramay wuxuu dareemay "Aroornimadii, warka ayaa lasoo xaqiijiyay, aad ayaan uga hanfariiray, waa wax aad u xun, saaxiibkay ayay iga dileen".

Mar uu Kayden ka hadlay shaqsiyaddii Sayid ayuu yiri "Dad badan ayaa yaqiinay, waana la wada jeclaa, waana arrin murugo leh in bulshada dhibaatada intaas la'eg loo geysto, wax kasta waxa ay hadda iila muuqdaan meel maran, waxaanse rajaynayaa in aan kasoo kabsano".

Si looga hortago saamaynta maskaxadeed ee carruurta ay ka dhaxlaan dhacdooyinka muruga leh sida tan oo kale ah , ayuu maamulka iskuulka waxa ay keeneen dhaqaatiir ku taqasusay cilmi nafsiga oo tiiraanyo bixin u sameeya ardayda.

Kumuu ahaa Sayid Milne ?

Sayid Milna
Qoraalka sawirka, Sayid Milna

Sayid Milne wuxuu rabay in uu ciyaartoy noqdo marka uu waynaado.

Jimcihii wuxuu ku sugnaa masaajidka Al Nuur isaga oo ay weheliso hooyadii. Sida uu aabihii u sheegay warbaahinta New Zealand. "Si rasmi ah la iiguma soo sheegin in uu dhintay, balse wuu geeriyooday, sababtoo ah waa la arkay."

"Waxaan ku xasuustaa in uu ahaa ilmahaygii qarka u fuulay in aan waayo markii uu dhashay. geesi yar ayuu ahaa, waa arrin aad u adag in aad aragto isaga oo u dhintay rasaas uu furay qof aan waxba dan kalahayn, cidnana u aaboyeelayn.

"Waan ogahay meesha uu jooga, waan ogahay oo ammaan buu haystaa."

Mark Wilson oo maamule ka ah iskuulka sare ee Cashmere ayaa warbaahinta Newshub u sheegay in Sayyad "uu ahaa canug wanaagsan oo indhahiisu naxriis leeyihiin, isla markaasna qalbi fiican oo muusood qurux badan".