Toogashadii Christchurch: Erdogan oo soo bandhigay muuqaalladii weerarka

Xigashada Sawirka, AFP
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu dhaliilay in uu soo bandhigay muuqaallo muujinaya weerarkii ninka hubaysabi uu ku qaaday masaajidyo kuyaal dalka New Zealand, si uu taageero uga helo isu soo bax doorasho.
Mr Erdogan ayaa sheegay in u jeedada ninka lagu tuhunsan yahay weerarka ee lagu magacaabo Brenton Tarrant, ay ahayd in dadka Turkiga u dhashay laga hor istaago Yurub.
Wasiirka Arrimaha dibadda ee New Zealand, Winston Peters, ayaa masuuliyiinta Turkiga u sheegay in soo bandhigidda muuqaalkaas aanu ahayn "mid habboon" uuna khatar galin karo muwaadiniinta dalkiisa ee dibadaha ku sugan.
Ninka weerarka gaystay ayaa muuqaalka toos usoo galiyey baraha bulshada asagoo dadka laynaya, waxaana faafiyey sharikadaha leh baraha ay bulshadu kuwada xiriirto .
Muxuu madaxweynuhu usoo bandhigay muuqaalka
Isu soo bixii Axadda ayaa looga gollahaa in lagu taageero xisbigiisa muxaafidka ah ayadoo ay bisha dambe soo foolleeyihiin doorashooyinka golaha deegaanka.
U jeedadda ka dambaysa arrintan ayaa ah in la cambaareeyo dareenka laga qabo diinta islaamka (Islamophobia) - iyo sidii reer galbeedku ay weerarka uga jawaabeen iyo in lagu dhaliilo mucaaradka kajira Turkiga dhexdiisa oo loogu duur xulo in ay taag daran yihiin.

Xigashada Sawirka, ,
Mr Erdogan ayaa tilmaamay qaar kamid u jeeddooyinkii uu lahaa ninka lagu tuhunsan yahay in uu qaaday weerarkii New Zealand.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ninka weerarka looga shakisan yahay uu Turkiga laba jeer booqasho ku yimid uuna doonayey in dadka Turkiga ah ee Muslimiinta ah lagasoo saaro dhulka reer Yurub ee xiga marinka Bosphorus.
Mr Erdogan ayaa hadalkan ka sheegay isu soo bax kaa dhacay Gaziantep: " Macnaheedu waa in aanan dhaafin Galbeedka marinka Bosporus, oo uu ula jeedo Yurub. Haddii kale, waxa uu imaan doonaa Istanbul, wuuna na layn doonaa dhammaanteen, dhulkeena ayuuna naga qaadan doonaa".
Muuqaallada weerarkii masaajidyada ayaa min saddex jeer shaashadaha lagusoo bandhigay intii uu socday isu soo baxa dadweyne, waxaana dhinac socday bayaan dhanka online-ka ah.
Mr Erdogan ayaa sidoo kale dhaliilay hoggaamiyaha mucaaradka ugu wayn Turkiga ee CHP party, Kemal Kilicdaroglu, asagoo soo bandhigay muuqaal uu uga hadlayey " Argagixisada ku xididaysatay caalamka Islaamka".










