Taariikh nololeedka wasiirkii dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, oo maanta geeriyooday

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil waxa uu ahaa wasiirkii dastuurka ee Soomaaliya
Qoraalka sawirka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil waxa uu ahaa wasiirkii dastuurka ee Soomaaliya

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa Wasiirkii wasaaradda Datuurka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu maanta ku geeriyooday magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Geerida wasiirka waxaa sababay xanuun kusoo booday xilli uu diyaar gareynayay xafladda arooska ee gabadhiisa, sida uu BBC-da u xaqiijiyay wasiirka waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, oo la socday wasiirka geeriyooday.

Siyaasiga maanta dhintay oo ay da'diisu ahayd 63 sano ayaa ahaa shakhsi caan ka dhex ahaa bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna xilal kasoo qabtay xukuumadihii dalka Soomaray.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka Soomaaliya Maxmed Abuukar Subeyr ayaa BBC-da uga warramay taariikh nololeedkii Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

25-kii bishii Juunyo ee sannadkii 1956-kii ayuu ku dhashay magaalada Jowhar ee xarunta u ah gobolka Shabeellaha dhexe, haddana ka tirsan maamul goboleedka Hirshabeelle.

Isla magaalada Jowhar oo uu kusoo barbaaray ayuu ka dhigtay wax barashadiisii dugsiga hoose/dhexe iyo dugsiga sare.

Markii dambe waxa uu Cabdiraxmaan Xoosh aaday waddanka Canada, halkaasoo uu kasii watay waxbarashadiisa heerka Jaamacadda.

Jaamacad ku taalla magaalada Toronto ee waddanka Canada ayuu shahaahada cilmiga bulshada ka qaatay, ka dibna waxa uu sii daraaseeyay cilmiga sharciga oo uu iskuul kale ka dhigtay.

Gudaha waddanka Canada ayuu ka billaabay shaqooyinka la xiriira dhinaca sharciga, sida uu xusay agaasimaha wasaaradda dastuurka Maxamed Abuukar.

Sannadkii 2011-kii ayuu dib ugu soo laabtay waddanka Soomaaliya, xilligaasoo uu dalka Madxweyne ka ahaa Shariif Sheekh Axmed.

Bartamihii isla sannadkaas ayaa Cabdiraxmaan Jibriil loo magacaabay wasiirka arrimaha dastuurka iyo dib u heshiisiinta ee xukuumaddii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya.

Wuxuu xilkaas hayay ilaa bishii Sitembar ee sannadkii 2012-kii, markaasoo uu dhammaaday wakhtigii xukuumadda.

Sida ay BBC-da kasoo xigatay agaasimaha wasaaradda Datuurka, waxa uu sabab u ahaa in laga gudbo xeerkii loo yaqaannay Axdigii qaranka, iyadoo markaas loo gudbay dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya.

Dastuurka ku meel gaarka ah ee ay Soomaaliya hadda ku dhaqanto, oo saddex xukuumadood lagu soo dhisay ayaa la ansixiyay bishii Agoosto ee sannadkii 2012-kii.

Sannadkii 2012-kii waxa uu noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna xilkaas hayay ilaa horaantii sannadkii 2017-kii, xilligaasoo ay maamulka dalka la wareegtay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xukuumadda uu Farmaajo soo dhisay oo uu Ra'iisul wasaare ka noqday Xasan Cali Kheyre ayaa Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil looga dhigay wasiirka Arrimaha dastuurka.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa la sheegay in uu aad ugu mashquulsanaa sidii loo dhammeystiri lahaa dastuurka ku meel gaarka ah ee wali qabyo qoraalka ah.

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta sheegay in meydka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil loo soo dhoofinayo dalka, isla markaana loo sameyn doono aas qaran.