Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sameynaya casho sharaf ay shuruud ku xiran tahay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ra'iisul waasaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa waxa uu qabanayaa casuumaad casha sharaf ah oo looga golleeyahay in lagu aruuriyo lacag gaaraysa ilaa 1 bilyan oo doolar, taasoo lagu samaynayo mashruucyo dhanka dhismaha waddooyinka ah.
Saraakiisha ayaa sheegay in tikidhada casuumaadda lagu iibsan doono lacag ka badan 175,000 oo doolar, balse weli lagama bixinin faahfaahin dheeraad ah.
Waxaa la rajaynayaa in arrintan uu soo jiidan doonto maalgaliyeyaal ajanabi ah oo dhaqaale faro badan bixin kara.
Tan iyo markii uu Ra'iisul wasaare Abiy Axmed xilka qabtay sannadkii la soo dhaafay , waxaa sii ballaaranayey dhaqaalaha dalka.
Waxaa la shaaciyey muuqaal uu ra'iisul wasaaraha ku qeexayay qorsheyaashiisa ku aaddan dhanka horumarinta.
Macluumaadkan lama heli karo
Faahfaahin ka eeg FacebookBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.Dhammaadka Facebook boggan
Ra'iisulwasaare Abiy, waxaa uu iibiyey saacaddiisa oo uu qiimaheeda ahaa 175,000 oo doolar, xilli lacag loo aruurinayey mashruuc lagu dhisayo wado 100 km ah oo ku taala koonfurta caasimadda Addisababa.
Waa kuma Abiy Axmed?
Abiy, ayaa awoodda dalka qabtay ka dib muddo 3 sanno ah oo ay socdeen dibadbaxyo ay hoggmaaminyeen qowmiyadda Oromo.
Ra'iisulwasaarah oo ka soo jeeda qowmiyaddan, ayaa isku dayey inuu horseedo isbadello badan, isagoo heshiis nabadeed la sixiixday dalka dariskooda ah ee Eretariya.
Isbadelladan ayaa soo jiitay malaayiin maalgashadeyaal ah, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolka bariga dhexe.










