You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Hadal heynta baraha bulshada qabsatay ee khilaafka Kenya iyo Soomaaliya
Tan iyo galinkii dambe ee Sabtida, markii ay dowladda Kenya ku dhawaaqday iney Danjiraheeda Soomaaliya u yeertay, kii Soomaaliyana ka direyso Kenya, waxaa baraha xiriirka bulshada si weyn loogu hadal hayay xiriirka xumaaday ee labada waddan.
Dadka ka hadlayay arrintan ayaa isugu jiray siyaasiyiin, mas'uuliyiin, aqoonyahanno wax falanqeeya iyo dadka muwaadiniinta ah ee labada dal.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa go'aanka safiir kala qaadashada ku dhawaaqday, waxayna barteeda Twitterka soo dhigtay qoraal ku aaddan tallaabadaas.
"Kenya waxay u yeertay danjiraheeda Soomaaliya, Lucas Tumbo, isagoo laga doonayo inuu Nairobi u yimaado wadatashi degdeg ah. Tallaabadan safiirka loogu yeeray waxaa sababay go'aan aad looga qoomameeyo oo dowladda Soomaaliya ay ku qaadatay iney beeciso saliid iyo gaas ku jira dhul ay biyo ku fadhiyaan oo ay leedahay Kenya", ayaa lagu yiri qoraalka.
Dadka ayaa dhinacyo kala duwan ka eegayay arrinta, iyadoo qaarkood ay waji kale u yeeleen halka kuwo kalena ay ku tilmaameen mid laga xumaado.
Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa tallaabada Kenya ku tilmaamay mid aan salka ku heynin iibinta shidaalka, balse looga gol leeyahay in Soomaaliya lagu cadaadiyo sidii ay wada xaajood uga gali lahayd arrinta muranka badda.
Dhanka kale, Rober Alai oo ka mid ah suxufiyiinta ugu caansan Kenya ee ka faallooda arrimaha gobolka ayaa boggiisa Facebook ku soo qoray in dhulka uu ku jiro shidaalka ay Soomaaliya beecisay uuba yahay mid ka tirsan xadka dhinaca biyaha Soomaaliya.
"Marka la eego khariidadda iyo xog hoose oo qota dheer, Kenya waxaa kaliya oo ay daandaansaneysaa Soomaaliya. Arrinta muranka badda waa mid adag oo aan la fahmi karin laakiin qiyaas ahaan, meelahan uu shidaalka ku jiro waxay ka tirsan yihiin Soomaaliya. Hoggaamiyeyaal hunguri weyn oo u dhashay Kenya ayaa isku dayaya iney waddanka adeegsadaan si ay u fushadaan danahooda gaarka ah", ayuu yiri.
Maxamed Xaaji Xuseen wuxuu ka mid yahay yahay Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee qurba joogta ah isla markaana falanqeeya arrimaha Soomaaliya.
Dadka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha xiriirka bulshada in tooda badan ayaa u muuqday iney ka mideysnaayeen qodobka ku saabsan muranka biyaha badda.
Inbadan oo ka mid ah dadka wax falaqeeyana waxay u fasirteen in tani ay tahay arrin mideysay Soomaaliya.
Abukar Awale oo ka mid ah dadka u ol'oleeya in qaadka la joojiyo ayaa Dowladda Soomaaliya ka codsaday iney soo saarto jawaab lagu qanco.