You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxaad kala socotaa weerarrada xuquuqda lahaanshaha ee YouTube?
Shirkadda tiknoolojiyadda ee Google ayaa baro YouTube ah ka saartay qadka, kadib markii lagu helay xad gudub dhanka xuquuqda lahaansha ah.
Kenzo iyo ObbyRaidz, oo bartooda YouTube si weyn loo daawado ayaa helay farrimo lacag lagu dalbanayo si dacwadaha ka dhanka meesha looga saaro.
Farriimahaan ayaa waxa ay ka digayeen in hadii ay lacagahaasi bixini waayaan ay sababi doonto in qofka Saddexaad ee xuquuqda lahaan shaha uu arrinta soo gali doono, haddii ay taasi dhacdana shirkadda Google waxa ay hawada ka saaareeysa bartaasi YouTube-ka.
Balse markii dambe waxaa hawada ka baxday barta Youtube ee falkaasi sharci darrada ah sameeyneysay kadib markii ay soo shaac baxday hanjabaadda bartaasi.
Kenzo iyo ObbyRaidz ayaa labaduba helay farrimo lagu dalbanya lacago gaaraya ilaa 400 oo doolar oo ay ku dirayaan shirkadaha Paypal iyo Bitcoin, balse labadooduba wax lacag ma aysan bixin.
''Bartayda YouTube laba goor ayaa weerar dhanka xuquuqda lahaanshaha ah oo been abuur ah lagu soo qaaday'' ayuu yiri Kenzo.
Sida ay u fududdahay in aad sheegato xuquuqda lahaansha
Waa in qofka sheeganayo xuquuqda lahaanshaha uu soo gudbiyaa macluumaadka ku saabsan halka lagala xiriirayo iyo faah-faahinta xuquuqda lahaanshaha ee uu sheeganayo.
Kadibna qofka dacwada gudbinaya waa in uu aqbalaa ganaaxyo shariciga waafaqsan oo laga qaado, waa haddii uu macluumaadka uu gudbiyay ay noqdaan kuwa been abuur ah.
ObbyRaidz ayaa sheegay in haddii aan arrintaasi haatan waxba laga qaban ay mustaqbalka saameyn doonto bara badan oo YouTube ah.
Weerada xuquuqda lahaansha ee barta YouTube
YouTube ayaa waxaa caqabad ku haya habka lagu ogaanayo macluumaadka ku jira muqaalada ee ku aaddan xuquuqda lahaan-shaha.
Habka bartaan ayaa sannadkii 2018-kii la dhaleeceeyay kadib markii bar YouTube ay heshay ogeeysiis dhanka xuquuqda lahaan-shaha ah oo been abuur ah, waxaana dhacday in barta lagu qabsado muuqaal hees ah oo ay barta gaar u lajhayd.