Nin lagu qabtay dhal Harmacad oo uu boorso ku watay

Dhal Harmacad oo lagu qabtay India

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhal Harmacad oo lagu qabtay giga diyaaradeed oo ku yaalla India

Nin rakaab ah oo ka soo safray dalka Thailand kuna socday dalka India ayaa lagu xidhay giga diyaaradeed oo ku taallo dalka India kaddib marki ay shaqaalaha Jibriga Boorsadiisa ka soo saareen dhal Harmacad oo bil jira.

Shaqaalaha baaritaanka alaabada rakaabka ee gigada diyaaradaha dalka India ku taallo ayaa waxaa shaki ku abuurmay kaddib marki boorso uu qof ka mid ah rakaabka diyaarad soo caga dhigatay uu sitay ay ka maqleen cod boorsada dhexdeeda ka yeeraya, baaritaan kaddibna waxaa la helay dhalka Harmacadka oo boorsa ku jira.

Ninkan oo looga shakisan yahay inuu sitay Dhalka Harmacadka oo ka soo degay Gigada diyaaradaha ee Chennai wuxuu ka soo kicitimay magalada Bangkok ee dalka Thailand.

Shaqaalaha baaritaanka gigada diyaaradaha ee Wakaaladda wararka ee AFP waxay sheegeen iney baaritaan ku wadaan inuu ninkani ka mid yahay dadka sida sharci darrada ah xayawaanaadka u gudbiya iyo inkale.

Ninkan arrintan lagu haysto oo 45 jir magaciisana aan la shaacinin ayaa "si cadha leh uga jawaabay" xilli ay su'aalo weydiinayeen ciidanka baaritaanka ee Airboorka.

Dhalka Harmacadka lagu qabtay India

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhalka Harmacadka lagu qabtay India oo la sheegay inuu aad uu u tabar daran yahay

Waxayna ciidanka Harmacadkaasi gacanta ku dhigay sheegeen "inuu shoogsanaa isla-markaana daal badan laga dareemayey".

Khubarda dhinaca duur joogta ku xeel dheerna waxay baaritaan ku wadaan Harmacadkaasi halka laga soo qabtay iyo nooca uu yahay intaba.