Nin buug dhan ku qoray WhatsApp-ka oo abaalmarin la siiyay

Xigashada Sawirka, ASHLEY GILBERTSON/VII/REDUX/EYEVINE
Nin magangalyo doon ah oo saxafi ah islamarkana dowladda Australia ay sanado badan ku haysay jasiirad ku taalla badda Pacific-ga ayaa la gudoonsiiyay abaalmarinta ugu qaalisan ee dadka wax ka qora Suugaanya.
Behrouz Boochani, oo ah saxafi u dhashay dalka Iiran,balse asalkiisu yahay Kurdish ayaa qoray buug uu cinwaannkiisu yahay No Friend But the Mountains.
Waxa uu Saxafigani buugga ku qoray gudaha xaruntii lagu hayay ee uu qaxootiga ku ahaa.
Waxa uu ku guulaystay abaalmarinta suugaanta ee Victorian Prize 2019 taasi oo qiimaheedu yahay A$100,000).
Boochani wali waxa uu ku sugan yahay jasiiraddii lagu hayay waxaana loo diiday in uu soo galo Australia.
Xaruntan dadka soo galootiga ah lagu hayo oo saxafigani lagu hayay ayaa la xiray dabayaaqadii 2017.
Saxafigan iyo boqolaal qof oo kale ayaa hadda loo wareejiyay xarun kale oo dadka qaxootiga loogu talagalay.
Dowladda Australia ayaa leh shuruuc adag oo ku saabsan qof walba oo magangalyo doon oo dalkaasi ku soo gaaray Doon,waxa ayna wacad ku martay xukuumadda in aysan daganaashiyo siinayn xitaa haddii qaxooti sax ah ay yihiin dadkaasi.
Boochani oo isaga oo ku jira jasiiradda Manus la hadlayay BBC xilli dadkii kale ee guulaystay ay ku dabaaldagayeen Melbourne,ayaa waxa uu sheegay in abaalmarintan ay siinayso dareen kala duwan ".

Xigashada Sawirka, .
"Marka si loo eego aad ayaan ugu faraxsanahay sababtoo ah waxa aan soo jeedinay dareen ku saabsan dhibaatada halkan ka jirta islamarkana dad badan ayaa ogaaday xaaladan,waxa aan dhanka kale dareemayaa in aanan xaq u lahayn in aan dabaaldago.
"Waxa kowaad ee aan doonayno ayaa ah in aan helno xurriyad aana ka baxno jasiiradan si aan u bilaawno noolal csuub.
Buuggan waxaa lagu qoray luuqadda Farsi waxa uuna qoray intii uu ku jiray xarunta imika la xiray,waxaa inta badan buugga lagu qoray qoraalo uu WhatsApp-ka uu ugu soo dirayay qofkii turjimay oo ah Omid Tofighia.
"WhatsApp-ka waxa uu ahaa xafiiskeyga ," ayuu yiri. "kuma aanan qori Karin warqado sababtoo ah ilaalada ayaa toddobaad walba ama bil walba qolalkeena u soo dhici jiray iyaga baari jiray marka waxaan ka baqi jiray in qoraalka uu dhumo,waxa aan ku qori jiray WhatsApp-ka ka dibna waan soo diri jiray.
Boochani, oo markii hore la xiray 2013 ka dib markii uu doon kaga yimid Koonfurta Eeshiya ayaa noqday mid ka mid ah dadka ugu caansan ee codka u ahaa dadkii ay Australia ku haysan jasiiradda.
Waxa uu si joogta ah wax ugu qori jiray warqgayska ka soo baxa UK ee Guardian taasi oo uu uga hadli jiray xaaladda ay kus sugan yihiin dadka soo galootiga ah ee lagu hayo jasirada Manus.
Sanddii aanu soo dhaafnay ayaa dowladda mareykanka waxay aqbashay in ay dib u dajin u samayso qaar ka mid ah qaxootigaasi ku jiray jasiiradaha Manus iyo Nauru.
Tan iyo xilligaasi 100 qof oo qaxootigaasi ka mid ah ayaa goobtaasi laga soo qaaday,balse Boochani ayaa wali sugaya jawaabta wareysi ay al yeesheen saraakiil ka socotay Mareykanka.
Waxa uu saxafigan sheegay in uu Iiraan ka soo cararay sababtoo ah dhibaatooyiin la xiriira mihnaddiisa saxaafada oo uu kala kulmay xukuumadda Iiraan.
Garsoorayaasha abaalmarinta sugaanta ayaa waxa ay buugiisa ku tilmaameen shaqo wanaagsan oo la qabtay.










