Australia: Dalxiisayaashu ma quudin karaan Kangaroo

Dadka Australia ayaa loo digay inay sawir ay la galaan xayawaankani.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dadka Australia ayaa loo digay inay sawir ay la galaan xayawaankani.
Waqtiga akhriska: 1 daqiiqo

Dalxiisayaasha Australia ayaa looga digay inay quudiyaan xayawaanka Kangaaroo kaddib markii dhawaan ay soo bateen weeraro uu ku hayo dadka joogo goobaha loo dalxiis tego ee dalkaasi.

Toddobaad kasta kummannaan qof ayaa gaara gobolka New South Wales si ay u arkaan xayawaanka Kangaroo.

Qaar kamid ah dalxiisayaasha ayuu dhaawac u gaystay xayawaanka Kangaroo oo ay markaasi siinayeen qudaarta kaarooto amma dabacase oo aadka u jecel yahay.

Xildhibaan Greg Piper wuxuu sheegay in loo baahan yahay tallaabooyin deg deg ah oo lagu wecyigelinayo dalxiisayaasha.

Wuxuu xildhibaanka BBC-da u sheegay in dhibaatada ay soo socotay muddo sannooyin ah oo dalxiisayaashu qaar ay waxyeelleen kasoo gaartay la dhaqanka Kangaroo.

Inta badan dadka waxay isku sawiraan xayawaanka marka ay joogaan goobaha loo dalxiiso tego ee dalka Australia islamarkaasna baraha bulshada ayay soo dhigaan iyagoo la joogo xayawaanka Kangaroo.

Xildhibaan piper wuxuu rumaysanyahay in ku dhawaad 3000 qof ay dalxiis u tagaan magaalada Morisset balse uusan eedeeynin dalxiisayaasha.

Ka bood Instagram boggan
Oggolow Instagram macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka Instagram boggan

Dadka uu dhaawacay Kangaroo

Dalxiiyasayaashii uu dhaawacay xayawaanka Kangaroo waxaa kamid ah Anita Bielaszka iyo dad kale oo aan horraan waxbo ka ogayn khatarta xawayaanka.

Bielaszka waxay tiri "mid kamid ah xayawaanka ayaa isoo weeraray qof kasto oo halkaasi joogayna wuu argagaxay ,waa laga la cararay"

Bielaszka waxaa dhaawac kasoo gaaray lugta.

Balse sawirro uu shaaca ka qaaday xildhibaan ka tirsan dowladda Australia ayaa muujinaya in dadka dhaawacmay aysan waxbo ka ogayn in xayawaanka Kangaroo uu dhibaatayn karo.

Waxaa la digay in Kangaroo la siiyo cunnada qaar

Dadka waxaa looga digay in xawayaanka Kagaroo ay siiyaan cunnada warshadaysan taaso la sheegay inay saamayn karto caafimadkiisa.