Nin gurigiisa ku xannaaneeya Xayawaan halis ah

Crocodile

Ngendera Albert oo u dhashay dalka Burundi ayaa noqday mid caan ku ah xanaanaynta Yaxaasyada.

Markii uu Ngendera Albert uu ogaaday in Yaxaasyada la laayo dalkaasi Burundi si loo cuno ayaa waxa uu go'aansaday in uu tallaabo qaado si uu u ilaaliyo.

Waxa uu markii hore soo iibsaday 12 Yaxaas ,balse imika waxa uu gurigiisa oo ku yaalla tuulada Gatumbi uu ku xanaaneeyaa ku dhawaad 45 Yaxaas.

Waxa uu Ngendera Albert ka sheekeeyay qaabka uu u xanaaneeyo yaxaasyadan iyo sida uu ku billaabay.

"Waxa ay cunaan oo kali ah hilibka sida digaagga iyo Bakaylaha ," ayuu yiri Albert.

Waxa uu intaa ku daray in afartii maalmood ba ay Yaxasyadani siiyaan halib dhan 5 ilaa 10 kiilo.

"Waxa aan ku quudinaa inta u dhaxeysa 5 ilaa 10 kiilo 4 maalmood ba,".

Ngendera Albert ayaa sheegay in markii uu u soo wareegay magaalada Gatumbi sanaddii 1994 uu howshan billaabay.

"Markii aan u soo qaxay magaalada Gatumbi waxa aan arkay dadka oo dilaya Yaxaasyada si ay u cunaan, wayna i murjisay arrintaasi waxa aana jecleystay in aan difaaco,".ayuu intaa ku daray.

Albert ayaa sheegay in wixii xilligaasi ka dambeeyay uu go'aansaday in uu difaaco Yaxaasyada.

"Waxa aan dadka ugaarta iyo Kaluumaysatada aan waydiiyay in Yaxaasyada ay aniga ii keenaan,waxa aan iibsaday 1 yaxaas oo aan ku iibiyay lacag dhan 28 doolar si aan uga hortago in ay dilaan, waxaa markii dambe ii suuragashay in aan iibsado 12 Yaxaas,"ayuu yiri.

Ngendera Albert ayaa sheegay in markii uu Yaxaasyadani uu gurigiisa keenay ay qaar ka mid ah dariskiisa ay aad ugu farxeen halka kuwa kalana aysan ku faraxsanayn.

"Markii aan billaabay dhaqashada Yaxaasyada dariskeyga way isugu yimaadeen si ay u eegaa,qaar way faraxsanayeen qaarna kuma faraxsanayn,balse intooda badan way ku faraxsanayeen sababtoo ah sababtoo ah waxa aan difaacaynaa noolahan,"ayuu yiri Albert.

Ngendera Albert ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yahay howsha uu hayo islamarka uu hadafkiisa imika yahay in Yaxaasyadani loo helo goob wanaagsan oo lagu xanaaneeyo.