Maxaa dhallinyaradani Soomaaliyeed ku dhiirageliyey inay sameeyan arrinkan?

Suhayb Axmed Yuusuf
Qoraalka sawirka, Suhayb Axmed Yuusuf

Dhallinyaro iskood isu xilqaamay ayaa meel duleedka ka ah magaalada Burco waxa ay ka hirgaliyeen iskuul ay ugu talagaleen in ay wax ka bartaan caruurta dadkii ku xoola beelay abaarihii halkaasi ku dhuftay.

Dhallinyaradani oo qudhooda ah arday wax ka barata dugsiyada sare ee Burco ayaa waxa ay sheegeen in ay arrintan uga gol leeyihiin sidii caruurta ka soo jeeda qoysaska barakacayaasha ah ay waxbarsho u heli lahaayeen.

Dhallinyaradani oo ka kooban shan xubnood ayaa ah arday dhigato heerka sare ee iskuulka dhexe, waxa ayna sheegeen inay gelinka hore aadan iskuulka kan dambana ay aadan xeryaha ay ku noolyihiin barakacayaasha si ay wax u baraan ardayda halkaasi ku sugan.

Suhayb Axmed Yuusuf, waxa uu ka mid yahay dhalinyaradaasi waxa uuna sheegay in ilaa 160 arday ay wax u dhigaan kaddib marka ay iskuulada ka soo laabtan, " wixii aqoon ah ee aan xilliga hore iskuulka ka soo baranno ayaan ardayda oga faa'iidaynaa."

.
Qoraalka Codka, Maxkamadda Minneapolis oo xukuntay dhallinyaro Soomaali ah

Sida uu Suhayb sheegay, dhallinyaradani ayaanan helin wax taakulayn ah ama caawimaad ah, iskood ayey wax u baraan ardayda, "ma jirto cid wax naga dheeli tirta waxaa jira xilli ay ardayda aysan awoodin buugaagta iyo qalimaantaba, lacagaha ay waalidiintenna na siiyan ayaan arruurinnaa kaddibna inta aan u awoodna ayaan u soo iibinnaa"

Carruuta halkani wax lagu baro ayaanan haysanin fasalo ku filan balse taasi ma aysan niyad jebinin dhalinyaradan oo u dhiir adeegtay inay hamigooda ka mira dhaliyaan oo aysanna taasi caqabad ku noqon, "waxa ay hastaan laba fasal oo ka samaysan jiingado, mid gabdhaha ayaa fadhiisto midna wiilasha, aad ayeyna u kulushahy jiingadda."

.

Muddo shan bilood ah ayey dhalinyaradani howshan wadeen, waxa ay sheegeen in arrinkan uu yahay go'aan ka yimid uusanna dhib ku ahayn, " 2 da duhurnimo ayaan xerada imaanna waxaana ka tagnaa 6 da fiidnimo, gelinka horana waxbarashadeenna ayaan ku dadaalnaa."