Diyaarad hawada ku jirtay oo dib loo celiyay kaddib markii lagu arkay wadne bani’aadam

Diyaaraddu waxay sida lasoo tabiyay hawada ku jirtay saddex saacadood

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Diyaaraddu waxay sida la soo tabiyay hawada ku jirtay saddex saacadood

Mas'uuliyiinta shirkadda diyaaraddan, oo lagu magacaabo Southwest Airlines ayaa sheegay in wadnaha oo markii hore laga soo qaaday gobolka California la geeyay magaalada Seattle, iyadoo la doonayay in loo gudbiyo isbitaal ku yaalla halkaas, si loogu rido qalab lagu ilaaliyo xubnaha mustaqbalka loo isticmaali doono dadka u baahda.

Hase ahaatee lama xasuusan in laga dajiyo, lamana arkin inuu saaran yahay, ilaa ay diyaaradda duusho oo ay masaafe kala bar ah u jirsato magaalada Dallas.

Wadnaha qudhiisa ma ahayn mid loogu tala galay bukaan khaas ah oo xilligaas sugayay, balse diyaaradda ayaa dib loo celiyay si xubintan loo geeyo goobtii loo waday.

Faahfaahinta ku saabsan dhacdadan oo ku beegneyd maalintii Axadda ahayd ayey warbaahinta dalka Mareykanka soo tabiyeen Khamiistii shalay.

Dadka rakaabka ah ee diyaaradda saarnaa ayaa la sheegay iney aad u fajaceen markii uu kabtanka u sheegay arrinta ku saabsan waxa dhacay iyo sababta ay diyaaradda dib ugu noqoneyso.

Qaar ka mid ah dadka ayaa taleefannadooda casriga ah u isticmaalay iney ku baaraan waqtiga uu wadnaha bannaanka oolli karo wax galna ku ahaan karo, haddii la doonayo in dib loo isticmaalo.

Khubarrada caafimaadka ayaa laga soo xigtay in 4 ilaa 6 saacadood ay qaadaneyso inuu wadnaha keydsanaado inta aan la gelinnin qalabka loogu tala galay inuu ku raago.

Diyaaradda ayaa lagu soo warramay iney hawada ku jirtay muddo saddex saacadood ah.

Dhakhtar ka mid ahaa dadka rakaabka ah, balse aan ku lug lahayn soo qaadista wadnaha ayaa wargeyska Seattle Times u sheegay in dhacdadan ay ahayd "mid naxdin leh oo lagu dayacay xubin muhiim ah".

Kaddib markii ay diyaaradda ku noqotay magaalada Seattle, waxaa wadnaha loo gudbiyay isbitaalka iyadoo wali lagu guda jiray waqtigii loogu tala galay, sida uu shaaciyay wargeyska.