You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dawladda Sacuudi Carabiya oo jir dil u gaysata dumarka xuquuqda u dhaqdhaqaaqa
Sacuudi Carabiya ayaa jirdil iyo tacaddiyo galmo la xiriira u gaysata dadka xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa, kuwaas oo ay ku jiraan tiro haween ah, sida ay sheegeen ururrada xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa.
Dadka ku xiran xabsiga Dhahban ayaa la sheegay in koronto lagu qabtay jeedalna lala dhacay.
Dawladda Sacuudiga ayaa sannadkan horraantiisii xirxirtay dumar xuquuda aadanaha u dhaqdhaqaaqa, culimo saamayn leh iyo aqoon yahanno.
BBC-d ayaa la xiriirtay dawladda Sacuudiga si ay eedaymahan uga jawaabaan.
Sikastaba ha ahaatee, masuuliyiinta Sacuudiga ayaa wargayska Wall Street Journal u sheegay "in boqortooyadu aysan dhiirigalin isla markaasna ogolaanin in jirdil la adeegsado."
Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa Talaadadii soo saaray war qoraal ah oo ay faahfaahin uga bixinayaan jirdilka la sheegay in maxaabiista loo gaysto.
Dadka xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa ee maxaabiista ah ayaan awoodin in ay socdan ama istaagan ka dib markii koronto lagu qabtay, jeedalna lala dhacay, warka Amnest ayaa lagu sheegay, qof wajiga soo duubtay ayaana la sheegay in uu tcaddi galmo u gaystay haweenay.
Hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch ayaa sidoo kale ka hadashay dad koronto lagu qabtay "kuwo si qasab ah laabta laabta loogu saaray ka dibna la dhunkaday" arrimahaasina waxay ku dhaceen ugu yaraan saddex dumar ah.