Eey ka dhaqaaqi waayey halkii uu ku dhintay qofkii lahaa

Xigashada Sawirka, Pear Video
Eey daacad ah oo muddo ka badan 80 maalmood taagnaa waddo mashquul ah oo uu gaari ku dilay haweeneydii lahayd, ayaa soo jiitay quluubta dadka Shiinaha iyo qeybo kale oo ka mid ah caalamka.
Muuqaal laga soo duubay xayawaankan oo dhex taagan bartamaha waddo ku taalla magaalada Hohhot ayaa waxaa internet-ka ka daawaday dad ka badan 1.4 malyan oo ruux.
Mid ka mid ah warbaahinta dhinaca internet-ka ee dalkaas ayaa laga sheegay in eygaasi uu maalin kasta waddada taagnaa tan iyo 21-kii bishii Agoosto, xilligaasoo ay goobtaas ku geeriyootay haweeneydi lahayd.
Nin ka mid ah darawaliinta gawaarida loo yaqaanno Taxi-ga ayaa sheegay in markii ay dadku isku dayaan iney eyga caawiyaan uu ka cararo.

Xigashada Sawirka, Pear Video
"Darawaliinta inta badan waxay siiyaan raashin yar oo uu cuno, laakiin marki aan isku dayno inaan u soo dagno wuu naga cararaa" ayuu yiri.
"Xiriirka ay haweeneydaas la lahayd eygeeda wuxuu ahaa mid qota dheer".
"Maalin kasta wuxuu taagan yahay waddada, mar walba waan arkaa. Xiriirka dhex mara dadka iyo eeyaha waa mid dhab ah".
Muuqaalka ayaa la soo duubay 10-kii bishan Nofeembar, ilaa iyo haddana waxaa si weyn loogu faafiyay baraha kala duwan ee xiriirka bulshada sida Facebook, Twitter iyo Youtube.

Xigashada Sawirka, Pear Video
Dadka daawaday oo u badan kuwa ka soo jeeda dalka Shiinaha iyo waddamada kale ee bariga Aasiya ayaa si weyn ula dhacay daacadnimada eygaasi.
Mid ka mid ah dadkaas ayaa yiri "eygaas aad buu khatar ugu jiraa inta uu taagan yahay waddada saxmadda badan. Waxaan rajeynayaa in dad kale oo u fiican sida haweeneydii horay u lahaan jirtay ay kaxeystaan una xannaaneeyaan si wanaagsan".
Hase ahaatee ma aha markii ugu horreysay ee baraha xiriirka bulshada ee dalka Shiinaha lagu shaaciyo qisooyin qalbiga taabanaya.

Xigashada Sawirka, WILL ROBB/LONELY PLANET
Horraantii sannadkan waxaa la shaaciyay muuqaalka eey da' weyn oo lagu magacaabi jiray Xiongxiong, kaasoo maalin kasta ninka iska leh ku sugi jiray xarunta tareenka, si uu ula kulmo marka uu shaqada ka yimaado.
Sidoo kale dalka Japan, eey lagu magacaabo Hachiko ayaa noqday caan sannadihii 1920-meeyadii, ka dib markii uu caadeystay inuu ninka iska leh maalin kasta ku sii sugo xarun tareennada laga raaco. Eygaas ayaa xitaa ninka leh goobtaas ku sugi jiray muddo 9 sano ah oo ka dambeysay markii uu ninkaas dhintay.
Goobtaas laga raaco tareenka ayaa markii dambe laga sameeyay taallo eey taagan ah oo lagu xusayo ficilkii cajiibka ahaa ee uu xayawaankaas sameynayay.










