Madbacadda Somaliland ma dabooli kartaa baahida daabacaad ee looga fadhiyo?

Madbacaddan waxaa billowgeedii furay madaxweynihii hore ee S/land Max'ed Ibraahim Cigaal
Qoraalka sawirka, Madbacaddan waxaa billowgeedii furay madaxweynihii hore ee Somaliland Max'ed Ibraahim Cigaal

Dhawaan ayaa xukuumadda jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland waxay burrisay dhammaan wixii heshiiyo hore ahaa ee ay sharikado gaar ah hore ugula gashay soo daabicidda dukumentiga leh qiimo lacageed sida Baasaboorrada , laysimada wadidda gaadiidka, buugaagta gawaadhida , iyo waxyaabo kale.

Waxaa lagu wareejiyay daabacaadda dukumentigaas oo dhan madbacadda dowlada ee Hargeysa ku taala oo bilihii u danbeeyay dhawr jeer shaqaalaheedu sameeyeen cabashooyin la xidhiidha in shaqadoodii la quursaday .

Haddaba dad badani waxay isweydiinayaan Madabacada dowladdu ma fulin kartaa shaqadan culus ee lagu soo wareejiyay iminka?

Shaqaalaha madbacadda dawladda waxay ku kalsoon yihiin inay qabtaan wixii shaqo daabacaad ah ee loo baahdo
Qoraalka sawirka, Shaqaalaha madbacadda dawladda waxay ku kalsoon yihiin inay qabtaan wixii shaqo daabacaad ah ee loo baahdo
Waa qaybta buugaagta isku dhejisa marka la soo daabaco
Qoraalka sawirka, Waa qaybta buugaagta isku dhejisa marka la soo daabaco

Siciid Saalax Shire oo ah maareeyaha madbacadda dawladda Somaliland wuxuu kalsoon yahay in madbacaddu awood u leedahay wixii baahi daabacaad ah.

"Dhamaan wixii daabacaad ah ee qaranku leeyahay waxaa u xil saaran madbacadda, wayna awooddaa nooc kasta oo dukumenti ah in ay daabacdo marka laga reebo baasaboorka oo u baahan in laga kabo, arrintiisana ay isaga imaanayaan madbacadda qaranka iyo wasaaradda maaliyadda" ayuu yiri Siciid Saalax.

Shaqaalaha madbacadda waxay u sheegeen weriyaha BBC ee Hargaysa Axmed Siciid Cige in ay mararka qaar shaqeeyaan ilaa 12 saacadood.

Madbacaddan waxaa furay madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, hase yeeshee waxaa sanooyinkii dambe lagu soo kordhiyey qalab casri ah oo qabta shaqada daabacaadda.