2016-ki marka aan Soomaaliya tagayey khilaafka maamul goboleedyada iyo DF sidan unbuu u taagnaa

Michael Keating, wakiilga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Xigashada Sawirka, UN PHOTO/LOEY FELIPE

Qoraalka sawirka, Michael Keating, wakiilga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, oo la hadlay golaha amniga ee qaramada midoobay ayaa wuxuu khudbad dheer uu soo jeediyey uu kaga warramay xaaladda dalka Soomaaliya uu wakhti xaadirkan uu ku sugan yahay.

Keating ayaa sheegay howlgalka uu ku joogay Soomaaliya inuu toddobaadka soo socda uu u soo dhammaanayo. Marki ugu horreysay oo aan January 2016-ka gaadhay Muqdisho oo aan xafiiska madaxweynaha toos u tagay waxaan madaxda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya aan ka wada hadalnay ayuu yiri dowlad goboleedyada oo joojiyey wada shaqeynti ay la lahaayeen dowladda dhexe, laba maalmood ka hor marka aan muqdisho ka soo tagayeyna arrin taa la mid ah ayaa taagneyd.

Michael Keating, wakiilga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxda dawlad goboleedyada

Xigashada Sawirka, RAADIYO MUQDISHO

Qoraalka sawirka, Michael Keating, wakiilga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxda dawlad goboleedyada

Muddadi aan joogay Soomaliya qaab dhismeedka dawladda ee ay ku saleysan tahay siyaasadda Soomaaliya iyo Amniga waxba iskama beddelin balse dawladda Soomaaliya waxay kutallaabsatay guulo la taaban karo.

Waxaana ka mid ah guulaha u soo hoyday Soomaaliya:

  • Xilka madaxweynanimada oo si nabadgalya ah loo wareejiyey iyo aqbalidda natiijada codbixinta doorashada madaxweynaha ka soo baxday
  • Aqalka sare ee federaalka oo si buuxda u howl galay
  • Tirada haweenka xildhibaannada oo lagu waday 14% in la garsiiyo, oo gaaray 24% taasoo ah mid ka sarreysa celcelis ahaan waddamada qaaradda Africa iyo caalamkaba
  • Dawlad goboleedka hirshabeelle oo ku soo biiray nidaamka federaaliga ee Soomaaliya
  • Abaarihi ku habsaday dalka Soomaaliya 2017-ki sida dal iyo dibadba looga gurmaday oo ammaan mudan oo aan uga mahadcelinayo cid walba oo ka qayb qaadatay
  • Guulo laga gaadhay ka hortagga iyo xallinta khilaafaadka, sida dhibaatada magaalada Galkacyo ee kala qaybsaneyd muddana colaaduhu ku soo noqnoqonayeen oo la xalliyey
  • Dagaallo ka dhex dhici lahaa Puntlad iyo Somaliland oo laga hortagay iyada oo ay ka qayb qaateen qaramada midoobay iyo iyo IGAD
  • Qaab dhismeedka ammaanka iyo sida ammaanka loo sugo oo horumar laga gaaray
  • Qorshaha ay dawladda Soomaaliya ammaanka dalka kagala wareegeyso AMISOM oo ay dajisatay oo uu ka mid yahay la wareegidda garoonka Muqdisho
  • Qorshaha ay Mohamed Abdulahi Farmaajo iyo Ra'isal wasaare Kheyre ay u dajiyeen dib u habeyn guud in dalka lagu sameeyo
  • Ilaha dakhliga ee soo kordhaya iyo maareeynta kharashaadka dawladda oo isbeddelay hay'adda IMF-na ay ka markhaati kacday
  • Shuruucda lo dajiyey loona diyaariyey doorashada 2020 ka dhici doonta Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wuxuu hogaaminayey wafuud ka socday labada golle ee Dawladda

Xigashada Sawirka, MaDAXTOOYADA SOOMAALIYA

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wuxuu hogaaminayey wafuud ka socday labada golle ee Dawladda

wladda Soomaaliya oo qaadday tillaabbooyinkaasi hormarka ah haddana waxaan la iska indha tiri karin iney Soomaaliya haystaan dhibaatooyin ay ka mid tahay xagga qaabdhismeedka dawliga oo ay weli habacsanaan ay ka muuqato.

Dhibaatooyinka caqabadaha ku ah Soomaaliya ee ugu waaweyna waxaa ka mid ah:

  • Xaaladda ammaanka dalka oo aan weli la isku halleyn karin
  • Rabshadaha iyo Weerarrada weli uga imanayo Al-shabaab

Waxaana dhibaatooyinkaasi iney sii socdaanna gacan weyn ka geystay ayuu yiri:

  • Shacabka oo aan weli helin adeegyada aasaasiga ah
  • Amni darrada oo qayba badan oo dalka ka mid ah ka taagan
  • Caddaaladda oo ay shacabku helin
  • Dowladihi hoose oo aan shaqeyneyn
  • Saboolnimo baahsan oo dalka oo dhan ka jirta
  • Weerarrada isdaba joogga ah ee ay Al-shabaab soo qaadaan
  • Shaqa la'aanta baahsan iyo dadka oo aan dakhli meel uu ka soo gala haysanin

Waddanka oo u nugul saameynta isbeddellada cimilada waxaa gudaha dalka Soomaaliya ku barakacay dad ka badan 2.6 milyan, waana dalka ay haweenku dhibaatooyinka ugu badan ay kala kulmaan sida waxbarasha la'aanta iyo fursado shaqo oo ay helin.

Waxayna haweenku ay shacabka intiisa kale dheer yihiin xadgudubyada dhinaca jinsiga ee loo geysto sida kufsiga, caadooyinka xunxun oo lagula dhaqmo iwm...

Nidaamka saami qaybsiga 4.5 ee qabiilka ku saleysan waxuu sababay iney qabiillada waaweyn ay kuwa laga tirada badan yahay xaqooda ay duudsadaan kheyraadka dalkana si siman ay uga wada faa'ideysanin.

Sarreynta sharcigana Soomaaliya waa mid aad ugu hooseeyso ayuu yiri Michael Keating, iyada oo mararka qaar ayba dhacdo shacabku iney caddaalad u raadsadaan ururka Al-shabaab.Dowladda Soomaaliya oo dadaal aan yareen ugu jirto la dagallanka musuqmaasuqa haddana weli wuxuu dalku u baahan yahay in qaab dhismeedkii ololaha la dagaallanka musuqmaasuqa gacan ka geysan lahaa la diyaariyo.

Ciidanka Soomaaliya
Qoraalka sawirka, Ciidanka Soomaaliya

Haddaba, dowladda Soomaaliya oo ay dhbaatooyinkaasi faraha badan haystaan dadaal aan yareenna waddo si ay howlaheeda u sii laba jibbaarto waxaa beesha caalamka looga baahan yahay iney ka caawiyaan:

  • Sidi ay uga guuleysan lahayd Al-shabaab oo ay gacan ka siiyaan inkasta oo ay isgarabsadaan ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM
  • Sidi loo yareyn lahaa qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca Muqdisho iyo magaalooyinka kalaba oo laga caawiyo iyo
  • Qaab dhismeedka guud ee Amniga dalka oo gacan laga siiyo.

Runti ma sahlana dhibaatooyin 30-ka sano ka soo taagnaa dalkaasi in mudda gaaban wax looga qabto, balse waxaa lagama maarmaan ah iney cid walba garab istaagto dowladda Federaalka Soomaaliya si dalka Soomaaliya, midnimo, degganaasho, xasilooni iyo horumar looga soo dabbaalo.Ugu dambeyn, aniga oo ku hadlayo magaceeyga iyo magaca Kooxda qaramada midoobay ee igala howl gashay Soomaaliya waxaan halkan mahad ballaadhan uga soo jeedinayaa golaha ammaanka ee qaramada midoobay taageerada hiil iyo hooba leh uu ila garab taagnaa muddadii aan Soomaaliya ka shaqeynayey.

Sida oo kalana waxaan mahad kal iyo laab ah u soo jeedinayaa hay'adaha caalamiga ah, hoggaanka dalka Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliya.