Taalibaan oo afduubtay rakaab saarnaa basas waqooyiga Afqanistaan

Taaliban waxay sheegeen inay bartilmaameedsanayeen ciidammada dowladda

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Taaliban waxay sheegeen inay bartilmaameedsanayeen ciidammada dowladda

Wararka ka imaanaya dalka Afqanistaan waxay sheegayaan in 150 qof ay dalkaasi ku afduubteen ururka Taalibaan kaddib markii weerar gaadmo ah ay ku qaadeen saddex bas oo ay sarnaayeen dadkani xilli ay marayeen waddo ku taalla waqooyiga dalkaasi.

Afhayeen u hadlay ururka taalibaan ayaa sheegay inay bartilmaamdeedsanyeen ciidammada ammaanka oo ku safaryay basaska,wuxuuna intaasi ku daray in dadka shacabka ah la sii dayn doono.

Dhacdadaan ayaa kusoo beegmeeysa maalin uun ka dib markii dowladda Afqanistaan ay ku dhawaaqday xabad joojin aan sharuud lahayn.

Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa sheegay in xabad joojinta ay dhaqan geli doonto Isniinta maanta ah, waa haddi Taalibaan ay aqbalaan.

Balse ilaa hadda, ma cadda go'aanka ay kooxda qaadatay, inkastoo ay sheegeen inay dib xorriyadooda u siin doonaan boqolaal maxaabiis maalinta ciidul Adxa.

Esmatullah Muradi oo ah afhayeenka gobolka Kunduz ayaa sheegay in aanu la garanayn goobta laga afduubtay basaska.

Basaska ayaa marayay waddo weyn oo u dhow goob ay ka taliyaan kooxda Taliban una dhow magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Zabihullah Mujahid oo ah afhayeen u hadlay Taaliban ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ay basaska weerareen kadib markii sirddoonkoodu ay kusoo wargeliyeen in rag ka tirsan laamaha ammaanka Afqanistaan ay saarnaayeen basaska.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegayaa in inta badan dadkii saarna basaska la soo daayay balse 21 qof weli ay ku jiraan gacanta dagaalyanahada Taalibaan.

.

Xigashada Sawirka, .

Toddobaadyadii ugu dambeeyay ururka Taaliban waxay qadeen dhowr weerar oo uu ka mid ahaa weerarkii ugu xoogganaa ay ku qaadeen magaalada Ghazni, kaas oo shan maalmood socday, galaaftayna nolosha boqolaal qof.

Qaramada midobay waxay sheegtay in laga cabsi qabo in dhimashada shacabka ku dhintay dagaalkaasi ay gaartay ilaa 150 qof.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli ururka Taalibaan lagu cadaadinaya inay wadahadallo nabadeed la yeeshaan dowladda Afqanistaan.