Falanqayn: Socdaalka uu Farmaajo ku tegey Jabuuti

Kulankii Farmaajo iyo Geelle

Xigashada Sawirka, M O Bulhan

Qoraalka sawirka, Kulankii Farmaajo iyo Geelle

Socdaalka wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegey Jabuuti wuxuu ahaa mid la sii filayey, waayo Jabuuti waxay ka xumaatay in madaxweynuhu uu si furan u taageero in cunaqabataynta laga qaado Eritrea.

Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho ayaa qoraal ay soo saartay ku muujisay in aysan ka filaynin Soomaaliya inay mowqifkaas qaadato, waxayna u yeeratay safiirka iyo safiir ku xigeenka Muqdisho ka fadhiya.

Xukuumadda Soomaaliya wixii wakhtigaas ka dambeeyey aad ayey uga gaabsatay inay ka hadasho gebi ahaanba arrintaas, inkastoo uu wasiirka arrimaha dibaddu sheegay in door dhex dhexaadin ah ay ka galayaan khilaafka u dhaxeeya labada dal.

Dadka wax falanqeeya oo dhinacyo kala duwan arrinta ka eegay waxay u arkaan in marka hore la dhayo dhaawaca soo gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti.

Qodobkaas ayaa loo badinayaa in socdaalka Farmaajo ee Jabuuti uu salka ku hayo.

"In dhaawaca soo gaaray xiriirka labada dal wax laga qabto ayaa ka muhiimsan in dhexdhexaadin la galo"

Xigashada Sawirka, M O Bulhan

Qoraalka sawirka, "In dhaawaca soo gaaray xiriirka labada dal wax laga qabto ayaa ka muhiimsan in dhexdhexaadin la galo"

"In la wada hadlo waa muhiim, waxayna noqon doontaa in wax badan oo xasaasi ah laga wada hadlo, oo madmadowga meesha laga saaro" sidaa waxaa yiri Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faallooda arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka.

Kulan isla arrintaas looga hadlayey ayaa shalay ka dhacay Jabuuti. Wufuudda labada dhinac ilaa qaddar nus saac ah ayey kulanka fadhiyeen, ka dibna waxaa kulan albaabadu u xirnayeen yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed cabdullaahi Farmaajo, iyo Madaxweynaha martida loo ahaa, Ismaaciil Cumar Geelle.

Qiyaastii ilaa iyo saacad ayaa la sheegay in kulankaas labada mas'uul ay yeesheen uu socday.

Waxaa qorshaysnaa in ay qabtaan shir saxaafadeed, hase yeeshee ma dhicin, sababtana lama sheegin.

Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya, C/qaadir Axmed Khayr, wuxuu ku gaabsaday "labada dal ee walaalaha ah inay ka wada hadleen cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal".

Dadka wax falanqeeya waxay qabaan in ay fiicnayd in la sheego wixii ay labada hogaamiye ka wada hadleen

Xigashada Sawirka, M O Bulhan

Qoraalka sawirka, Dadka wax falanqeeya waxay qabaan in ay fiicnayd in la sheego wixii ay labada hogaamiye ka wada hadleen

Laakinse in wixii kulanka labada mas'uul ka soo baxay la sheego waxaa muhiim u arka Dr Xasan Cabdi Xayle. "Waxay ahayd in midkood ama labadoodaba ay sheegaan wixii ay ka hadleen, maadaama uu xiriirku khalkhal galay".

Haddaba, ama ha la shaaciyo ama yaan la shaacinine, ma muuqataa in la daweyn karo dhaawaca soo gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti, kaasoo ahaa mid muddo dheer jid wanaagsan ku socday, hadii Soomaaliya ay garawshiyo ka bixiso? Dr Xayle wuxuu qabaa in la daweyn karo "haddii uusan mar kale soo noqonayn".

Labada dhinac ee Jabuuti iyo Soomaaliya midkoodna kama hadlin sida uu iminka xaal yahay iyo waxa lagu dhameeyey khilaafka, ama natiijadii ka soo baxday safarka labada maalmood qaatay ee Farmaajo uu ku tegey Jabuuti oo ka mid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Duhurnimadii Jimcaha ayey madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ka amba-bexeen Jabuuti, ayagoo aaday dalka Turkiga.